Saturday, June 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

MasterCard-ka Premier Bank oo lagu dalban karo VISAHA kenya iyo dalal kale

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
MasterCard-ka Premier Bank oo lagu dalban karo VISAHA kenya iyo dalal kale
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dhawaan dawladda Kenya waxa ay ku soo rogtay dadka ay visaha siin jirtay marka ay yimaadaan garoomada dalkeeda (visa on arrival), in aanay dalkaas u soo safri karin ilaa ay ONLINE ku dalbadaan visaha ama dal-kugal-ka dalkaas.

Arinkan oo saamaynaya Soomaalida sidata baasaboorrada ay ka midka yihiin Yurub, USA, Ethiopia iyo Djibouti, ayaa dad badan ku noqday culays maadaama dawladda Kenya soo rogtay in lacagta Visaha lagu bixiyo oo keliya Kararka lacag-bixinta sida MasterCard oo kale, kaas oo dad badan aanay ku haysan gudaha dalka.

Related posts

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

June 27, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

June 27, 2026

Hase yeeshee, Bankiga Premier oo ah bankigii ugu horreeyay ee taariikhda Soomaaliya keenay adeegga kaararka ayaa ku dhawaaqay in macaamiisha bankiga ee haysata kaararka ay visaha Kenya iyo dalal kale ay ku dalban karaan online sida lagu sheegay war qoraal ah oo la siiyay warbaahinta lana xiriira arinkan.

Arinkan ayaa dad badani soo dhaweeyeen, iyada oo qaar ka mid ah macaamiisha Premier Bank ay horay kaaraka bankiga ugu iibsadeen alaabo kala duwan iyaga oo maraya habka online-ka.

“Visaha iyo tigidhkaygaba waxaan ka apply gareeyay online aniga oo adeegsanaya MasterCard-ka Premeir Bank” Sidaas waxaa yiri A. Abdi Rage oo ka mid ah macaamiisha bankiga Premier ee ka faa’iideystay adeeggan wax ka iibsiga online-ka.

Waa markii ugu horreysay ee taariikhda Soomaaliya ay dad ku sugan gudaha dalku wax kaga iibsadaan online kaararkooda bankiyada.

Bankga Premier oo dhawaan xarigga laga jaray ayaa Soomaaliya ku soo kordhiyay adeegga MasterCard oo macaamiishu ay lacag kagala bixi karaan ATM kasta oo leh summadda MasterCard adduunka oo idil, ayna wax kaga iibsan karaan mashiinnada loo yaqaan POS-ka adduunka oo idil iyo sidoo kale online-ka.

Premier Bank waxa uu sidoo kale u suurogeliyay Soomaalida ka imanaysa dalka dibeddiisa ee wadata MasterCard in ay lacag kala bixi karaan ATM-yada Premier ee yaal dalka gudihiisa.

Previous Post

Wasaaradda Ganacsiga oo fariin u dirtay ganacsatada Soomaaliyeed ee badeecadaha dalka keena

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhurnimo Ee Radio Muqdisho

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maanta oo ku beegan 27-ka Juun, Jamhuuriyadda Jabuuti waxay u dabbaaldegaysaa sannad-guuradii 49-aad ee ka soo wareegtay maalintii ay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdisalam Ali (Dhaay), ayaa ka qaybgalay...

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqday heshiis caalami ah oo ku saabsan Badda Soomaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqday heshiis caalami ah oo ku saabsan Badda Soomaliya

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu...

Guddiga Qaran ee qabanqaabada maalmaha xorriyadda oo kormeeray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Guddiga Qaran ee qabanqaabada maalmaha xorriyadda oo kormeeray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Iyo Midnimada uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Guddiga ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In