Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mas’uul ka tirsan Puntland oo booqday xabsiga Gaalkacyo

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir-xigeenka howla guuud ee maamul Goboleedka Puntland oo ay waheliyaan  Maamulka gobalka Mudug iyo saraakiil kale ayaa maanta  si wadajir ah u kormeeray  Xabsiga  magaalada Gaalkacyo ee dhanka Puntland.

Mas’uuliyiinta ayaa markii ay gaareen xabsiga waxa ay halkaasi kula kulmeen saraakiisha ciidanka asluubta, kuwaasi oo ka dhageystay warbixinno ku aadan xaaladda caafimaad ee maxaabiista xabsiga ku jirta iyo arrimo kale

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Taliyaha ciidanka Asluubta ee Puntland Aadan Nuur oo lahadlay wafdiga ayaa sheegay inay dib u habeyn ku sameeyen xabsiga, isla markaana ay gudaha xabsiga ka hirgeliyeen beero ay tabceen ciidanka iyo maxaabiista xabsiga ku jira.

Mas’uuliyiinta Gobolka mudug oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin sida ay isugu tashadeen saraakiisha sar sare ee Xabsiga oo ay ka faa’iideysteen baaqii ahaa “Ha la isu tashado”

Wasiir-xigeenka howla guuud ee maamul Goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Yuusuf ayaa tilmaamay in kan maamul ahaan ay ilgaar ah ku eegayaan askarta iyo maxaabiista xabsiga ku xiran.

“Ciidamada oo inta mushaarkooda iska jaray ay dib u habeyn ku sameeyaan xabsiga, tani waxa ay muujineysaa sida aan doonayno in aan isku tashano, waxaana xusid mudan in halkaan laga sameeyo beero oo ay si wada jir ah u tabcayaan ciidamada Asluubta iyo maxaabiista” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Ma bannaantahay in lala dagaallamo dowladaha? Dhageyso

Next Post

Ma bannaantahay in lala dagaallamo dowladaha? Dhageyso

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In