Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mas’uuliyiin dhiirigelin ugu tegay ciidamado ku sugan Gobolka Hiiraan “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Mas’uuliyiin dhiirigelin ugu tegay ciidamado ku sugan Gobolka Hiiraan “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada Hirshabelle, Muuse Salaad Wehliye iyo Guddoomiyaha gobolka Hiiraan mudane Cabdullaahi Axmed Maalin Sufuroow oo ay weheliyaan Mas’uuliyiin kale ayaa gaaray furimaha hore ee dagaalka lagula jiro Khawaarijta, si ay u dhiiri geliyaan Ciidamada dib-u-xoreynta deegaanka iyo kuwa Xoogga Dalka.

Guddoomiye Sufuroow ayaa markii uu gaaray deegaanka Oya-Mago oo ka tirsan gobolka Hiiraan, waxuu dhiirrigelin u sameeyay Ciidanka Xoogga iyo Kuwa deegaanka, wuxuuna ku amaanay sida ay casharka ugu dhigeen Argagixisada oo dhawaan isku dayay in weerar dhuumaalaysi ah ku qaadaan deegaankaasi Oya-Mago.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Guddoomiyaha ayaa ballan qaaday in taageerada maamulka Gobolka ay joogto ahaan doonto, ciidanka dib u xoreynta deegaankana ay u diyaar garoobaan qabashada deegaannada kale ee ay ku dhuumanayaan Khawaarijta.

Deegaannada uu booqday gudoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Cabdullaahi Axmed Maalin Sufurow waxaa ka mid ah Libileey, Oyo-mago iyo Qandoolyaay oo dhamaantood ka tirsan Gobolkan Hiiraan

Guddoomiyaha gobolla ayaa wada isku-duba ridka iyo dhiirragelinta Ciidanka deegaanka iyo kuwa Xoogga dalka si loo bilaabo wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah Argagixisada.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada Hirshabelle, Muuse Salaad Wehliye ayaa dhankiisa tilmaamay in ay garab taaganyihiin ciidamada qalabka sida.

Previous Post

Madaxweynaha Hirshabeelle oo deeq xoolo ah ku wareejiyay ciidamada XDS ee ku sugan  deegaanka Daaru-nimca

Next Post

Safiirada Soomaaliya iyo Talyaaniga ee Ethiopia oo  ka wada hadlay xoojinta xiriirka Labada Dal

Next Post
Safiirada Soomaaliya iyo Talyaaniga ee Ethiopia oo  ka wada hadlay xoojinta xiriirka Labada Dal

Safiirada Soomaaliya iyo Talyaaniga ee Ethiopia oo  ka wada hadlay xoojinta xiriirka Labada Dal

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In