Sunday, April 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mas’uuliyiin ka qeybgashay xaflad lagu soo xirayay sanad dugsiyeedka dugsiga sare ee Badda “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Mas’uuliyiin ka qeybgashay xaflad lagu soo xirayay sanad dugsiyeedka dugsiga sare ee Badda “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo waalidiin ayaa ka qeyb galay xaflad ardayda dhigata dugsiga sare ee badda oo loo soo xirayay sanad waxbarasheed ku saabsan culuumta badda, kaasi oo lagu qabtay dugsiga sare badda ee degmada C/casiis.

Munaasabadii ardayda loogu soo xirayay sanad waxbarasho oo ay ku qaateen dugsiga sare ee badda ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro, mas’uuliyiin ka tirsan Jaamacadda City, xubno ka socday hay’adda hasiina oo ah hay’ad taageerta bushada, waalidiin, ardayda iyo marti sharaf kale, kaasi oo lagu qabtay Muqdisho.

Related posts

𝑹𝒂’𝒊𝒔𝒖𝒍 𝑾𝒂𝒔𝒂𝒂𝒓𝒆 𝑿𝒂𝒎𝒔𝒂 𝒐𝒐 𝒒𝒂𝒅𝒌𝒂 𝒕𝒂𝒍𝒆𝒆𝒇𝒐𝒐𝒏𝒌𝒂 𝒖𝒈𝒖 𝒉𝒂𝒎𝒃𝒂𝒍𝒚𝒆𝒆𝒚𝒂𝒚 𝑴𝒂𝒅𝒂𝒙𝒘𝒆𝒚𝒏𝒂𝒉𝒂 𝑱𝒂𝒃𝒖𝒖𝒕𝒊 𝑰𝒔𝒎𝒂𝒂𝒄𝒊𝒊𝒍 𝑪𝒖𝒎𝒂𝒓 𝑮𝒆𝒆𝒍𝒍e

𝑹𝒂’𝒊𝒔𝒖𝒍 𝑾𝒂𝒔𝒂𝒂𝒓𝒆 𝑿𝒂𝒎𝒔𝒂 𝒐𝒐 𝒒𝒂𝒅𝒌𝒂 𝒕𝒂𝒍𝒆𝒆𝒇𝒐𝒐𝒏𝒌𝒂 𝒖𝒈𝒖 𝒉𝒂𝒎𝒃𝒂𝒍𝒚𝒆𝒆𝒚𝒂𝒚 𝑴𝒂𝒅𝒂𝒙𝒘𝒆𝒚𝒏𝒂𝒉𝒂 𝑱𝒂𝒃𝒖𝒖𝒕𝒊 𝑰𝒔𝒎𝒂𝒂𝒄𝒊𝒊𝒍 𝑪𝒖𝒎𝒂𝒓 𝑮𝒆𝒆𝒍𝒍e

April 11, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Tripoli uga qeybgalay dib u howlgelinta xarunta (CEN-SAD),

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Tripoli uga qeybgalay dib u howlgelinta xarunta (CEN-SAD),

April 11, 2026

Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda City Cabdikariin Xasan ayaa sheegay in ardayda ay qaateen hal sano oo foundation ah, isla markaana ay ka go’antahay in la baro culuumta badda, isagoo Wasaaradaha Kalluumeysiga iyo waxbarashada ka codsaday inay ilgaar ah ku eegaan dugsiga.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in aad maanta nagala soo qayb gashaan xaladda lagu soo xirayo sanadka daraasadda ee dugsiga sare ee badda, waxayna nootahay sharaf aad u weyn in aad nagala soo qeyb gashaan xafladdan oo aan noo suuroobin markii hore ee iskuulka lag furayay, Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Wasaaradda waxbarashada labaduba waxaan ka rabnaa oo aan ka codsaneynaa Wasiirada jooga inay inay iskuulkan adopt-gareeyaan, sdiii carruurtoodi, ka warqabaan, noo yimaaaan, baahideena waxa ay ka qaban karaan ay ka qabtaan oo ay nagu ogaan meeshan” ayuu yiri Cabdikariin Xasan Jaamac.

Eng Muqtaar Haaruun oo ku hadlayay magaca waalidinta ayaa sheegay in ardayda ay haystaan fursad, loona baahanyahay inay ka faa’iideystaan.

“Waxaad fursad u hesheen 25 kaddib, bur burkii dalka, inaad heshaan fursad waxbarasho oo cilmiga badda ah, sida uu sheegay Walaalkeen Cabdikariin badaasi uu Alle nagu maneystay, uu dhirirkeedu gaarayo, 3333, Kilometer iyo wax ka badan” ayuu yiri Eng Muqtaar.

Guddoomiyaha Degmada C/casiis ayaa tilmaamay in ka degmo ahaan ay garan taaganyihiin ardayda wax ka barata dugsiga sare ee badda.

“Maamulka Gobolka Banaadir, qaasatan kan degmada C/casiis, waxaan garab taaganahay iskuulkan, in aan wax caqabad ah uga imaan xagga amniga, inaysan wax caqabad ah uga imaan x xagga bii’ada, waxaas oo dhan anaga ayaa diyaar u ah garabkooda ayaan taaganahay, waana ku faraxsanahay, in shaqada ay halkaan ka socoto, Jaamacadda iyo Iskuulka maamulkooda waan ku dhiri gelineynaa arrintan” ayuu yiri Guddoomiyaha Degamda.

Madaxa hay’adda hayd’adda Hasiina oo taageerta dugsiga sare ee badda Mascuud Galbihar ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay sida ay ardayda uga go’atahay inay wax bartaan, ayna sii wadayaan taageerada ay siinayaan.

“Farxad ayay ii tahay in aan halkaan idinka joogo, oo aan idinla hadlo iyo in aan arko waxa noo qabsoomay sanadkii tegay, isla markaana aan dib u eegno sanadka xiga waxa inoo qorsheysan, Insha Allah, Walaalaha ku nool Yurub waxa ay diyaar u yihin inay idinla wadaagaan dhibta aad ku jirtaan,  way idin jecelyihiin, waxayna diyaar idinla yihiin inay idin caawiyaan” ayuu yiri Mascuud.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare Muda Cabdullaahi Bile Nuur ayaa sheegay in ay tahay tallaabo lagu farxo in ardayda Soomaaliyeed ay baranayaan culuumta Badda.

“Aad iyo baan raggii ka soo shaqeeyay iyo hay’adda Hasiina iyo dadkii howshan soo qabtay, waan u mahadcelinayaa, wax weyn bay noo qabteen, waxayna u baahanahay iskuuladaas lagu baranayo cilmiga, yacni meelaha ay dhaqaalaheenu ku tiirsanyahay, runtii wax aad loogu farxo weeye sanadkii koowaad, waxaan u dabaal degeynaa sanad guuradii ka soo wareegtay ardayda foom one-ka dhameeyay, xafladii xiritaankooda guul baan u rajeyneynaa, 50-kii ugu horeeyay baa ka baxay, sanadka xiga 100 baan u rajeynayaa” ayuu yiir Wasiiru-dowlaha Waxbarashada.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda Mudane Maxamed Cuamr Ceeymooy ayaa sheegay in uu ku talinayo sidii bulshada ay uga faa’iideysan lahaayeen kheyraadka badda, isla markaana uu diyaar u yahay in uu garab istaago ardayda wax ka baranaysa dugsiga sare ee badda.

“Marka dadka hamiyay in ay arrintaas u istaagto ee ay bartaan culuumta badda, kalluunka aad iyo aad ayaan u soo dhaweneynaa, waa waxyaabaha aan maanta isleenahay waad tabeyseen oo aad u baahneedeen, marka aniga waxaan ku talin lahaa haddii aan ahay Wasiirka Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda, waxaa maanta foodda inoo saaran kalluunka nagi ee muuqda, oo aad moodo in uu banaanka yaallo, in aan ka baahnaano waa nasiib darro, aan u jeesano aan saarano badaan kalluunka ka buuxa” ayuu yiri Wasiirka Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda.

Sequence 67.Still001 Sequence 67.Still002 Sequence 67.Still003 Sequence 67.Still004 Sequence 67.Still005 Sequence 67.Still006 Sequence 67.Still007 Sequence 67.Still008 Sequence 67.Still009 Sequence 67.Still010 Sequence 67.Still011 Sequence 67.Still012 Sequence 67.Still013 Sequence 67.Still014 Sequence 67.Still015 Sequence 67.Still016 Sequence 67.Still017 Sequence 67.Still018 Sequence 67.Still019 Sequence 67.Still020 Sequence 67.Still021

 

Previous Post

Markabkii dowladdu dirtay oo Qaxooti Soomaaliyeed galabta ka soo qaaday dekedda Mukalla

Next Post

Hey’adda Samsam oo dib u dayactirtay Kanaallo ku yaalla degaanno ka tirsan Balcad iyo Afgooye “Sawirro”

Next Post
Hey’adda Samsam oo dib u dayactirtay Kanaallo ku yaalla degaanno ka tirsan Balcad iyo Afgooye “Sawirro”

Hey'adda Samsam oo dib u dayactirtay Kanaallo ku yaalla degaanno ka tirsan Balcad iyo Afgooye "Sawirro"

𝑹𝒂’𝒊𝒔𝒖𝒍 𝑾𝒂𝒔𝒂𝒂𝒓𝒆 𝑿𝒂𝒎𝒔𝒂 𝒐𝒐 𝒒𝒂𝒅𝒌𝒂 𝒕𝒂𝒍𝒆𝒆𝒇𝒐𝒐𝒏𝒌𝒂 𝒖𝒈𝒖 𝒉𝒂𝒎𝒃𝒂𝒍𝒚𝒆𝒆𝒚𝒂𝒚 𝑴𝒂𝒅𝒂𝒙𝒘𝒆𝒚𝒏𝒂𝒉𝒂 𝑱𝒂𝒃𝒖𝒖𝒕𝒊 𝑰𝒔𝒎𝒂𝒂𝒄𝒊𝒊𝒍 𝑪𝒖𝒎𝒂𝒓 𝑮𝒆𝒆𝒍𝒍e

𝑹𝒂’𝒊𝒔𝒖𝒍 𝑾𝒂𝒔𝒂𝒂𝒓𝒆 𝑿𝒂𝒎𝒔𝒂 𝒐𝒐 𝒒𝒂𝒅𝒌𝒂 𝒕𝒂𝒍𝒆𝒆𝒇𝒐𝒐𝒏𝒌𝒂 𝒖𝒈𝒖 𝒉𝒂𝒎𝒃𝒂𝒍𝒚𝒆𝒆𝒚𝒂𝒚 𝑴𝒂𝒅𝒂𝒙𝒘𝒆𝒚𝒏𝒂𝒉𝒂 𝑱𝒂𝒃𝒖𝒖𝒕𝒊 𝑰𝒔𝒎𝒂𝒂𝒄𝒊𝒊𝒍 𝑪𝒖𝒎𝒂𝒓 𝑮𝒆𝒆𝒍𝒍e

April 11, 2026
0

𝑹𝒂’𝒊𝒔𝒖𝒍 𝑾𝒂𝒔𝒂𝒂𝒓𝒆 𝑿𝒂𝒎𝒔𝒂 ayaa  𝒒𝒂𝒅𝒌𝒂 𝒕𝒂𝒍𝒆𝒆𝒇𝒐𝒐𝒏𝒌𝒂 𝒖𝒈𝒖 𝒉𝒂𝒎𝒃𝒂𝒍𝒚𝒆𝒆𝒚𝒂𝒚 𝑴𝒂𝒅𝒂𝒙𝒘𝒆𝒚𝒏𝒂𝒉𝒂 𝑱𝒂𝒃𝒖𝒖𝒕𝒊 𝑰𝒔𝒎𝒂𝒂𝒄𝒊𝒊𝒍 𝑪𝒖𝒎𝒂𝒓 𝑮𝒆𝒆𝒍𝒍𝒆

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Tripoli uga qeybgalay dib u howlgelinta xarunta (CEN-SAD),

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Tripoli uga qeybgalay dib u howlgelinta xarunta (CEN-SAD),

April 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Tripoli kaga qayb-galay...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo soo magacawday Guddiga Farsamada ee Dib-u-heshiisiinta KGS

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo soo magacawday Guddiga Farsamada ee Dib-u-heshiisiinta KGS

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa magacowday Guddiga Farsamada ee wada-hadalka iyo dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed. Guddigan farsamo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Isimada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Isimada Puntland

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan soo dhaweyn ah u sameeyay isimada Puntland, oo ay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In