Xubnahaan ka socday Wasaradda Cadaaladda dalka Turkiga oo ay wehliyaan Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir iyo Guddoomiyaha Maxakamadda Gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur ayaa kormeer ku tagay Xabsiga Dhexe ee Xamar .
U jeedada kormeerkooda ayaa ahaa ka warqabka xaaladda Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo ogaanshiyaha xaaladaha dhabta ah ee ka jira xabsiga dhexe waxyaabaha ay u baahanyihiin in laga saacido Taliska Ciidanka Asluubta.
Mas’uuliyiinta ayaa intii ay halkaasi ku sugnaayeen waxaa ay kulamo la yeesheen Taliayah Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo saraakiil kale ayagoo isl soo hadal qaaday xaaladda xabsiyada, ciidanka iyo baahiayaha dhanka adeegyada ah si wasaarada Cadaaladda Turkligaay uga qeyb qaadato haqabtirka baahiyahaasi.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Guuto Xusen Xasan Cismaan ayaa kulanka kaddib Warbaahinta Qaranka uga waramay booqashada Mas’uuliyiintan ay ku tageen Xabsiga dhexe isagoo xusay in weli ay sii socondoonaan kulamadaasi inta wefdiga uu jooga dalka.
Intaasi kaddib ayaa waxaa ay kormeer ku sameeyeey qeybaha uu ka kooban yahay xabsiga dhexe ee xamar si ay u arkaan xaaladda dhabta ah ee halkaasi kajira.
Wefdiga oo ka socday wasarada cadaalada turkiga oo shalay soo gaaray muqdisho ayaa horey ula kulmay wasiirka Cadaaladda Dowladda Soomaliya iyagoo kawada hadlay wadashaqeynta labada dhinac iyo taageero Turkiga uu siyo Wasaaradda si ay u dar-dargeliso howlaha horyaala.