Thursday, July 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mas’uuliyiin ka socday WHO iyo UNICEF oo kulan la yeeshay Guddoomiye Cumar Filish.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
June 14, 2022
in Wararka
0
Mas’uuliyiin ka socday WHO iyo UNICEF oo kulan la yeeshay Guddoomiye Cumar Filish.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday hey’adda Caafimaadka aduunka ee WHO iyo Hey’adda UNICEF oo uu hogaaminayay Madaxa hey’adda u qaabilsan Bariga iyo Bartamaha Africa Mr. Xasan Qumural.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish iyo madaxda Hey’adda WHO ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa horumarinta adeegyada Caafimaadka gobolka Banaadir oo haatan ay si buuxda ula wareegtay Dowlada Hoose ee Xamar, iyadoo kulankan ay goob joog ka ahaayeen Agaasimaha Caafimaadka gobolka Banaadir iyo Agaasimaha guud ee arimaha bulshada maamulka gobolka Banaadir.

Related posts

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaaray Laascaanood

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaaray Laascaanood

July 10, 2025
Wasiirka Dhallinyarada XFS oo ka qeyb-galay daah-furka Istaraatiijiyadda Dhallinyarada Carbeed

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo ka qeyb-galay daah-furka Istaraatiijiyadda Dhallinyarada Carbeed

July 10, 2025

Madaxa hey’adda Caafimaadka u qaabilsan Bariga iyo Bartamaha Afric Mr. Xasan Qumural ayaa ku amaanay maamulka gobolka Banaadir horumarka ay ka sameeyeen dhinac Talaalka sida Dabeesha, Jadeecada, Qaaxada, Nafaqa la’aanta iyo COVID-19.

“ Waxaan idin ku amaanaya horumarka aad ka sameyseen dhinaca Caafimaadka oo ah da’daal muuqdo, anaga dhinaceena waxaan diyaar u nahay taageera dhan walba ah oo lagu xoojinaayo Caafimaadka Soomaaliya gaar ahaan kan Muqdisho”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ugu mahadceliyay Hey’addaha WHO iyo UNICEF garab istaaga ay u muujiyeen maamulkiisa muda uu xafiiska joogay.

“Si gaar ah ayaan idin kaga mahadcelinaaya sida aad u taageerteen maamulka gobolka Banaadir gaar ahaan dhinaca Caafimaadka iyo Barakacyaasha oo horumar badan laga sameeyay waxaana diyaar u nahay in aan sii socodsiino mashaariicda adeegyada aas aasiga la xariira”.

Previous Post

Guddiga loo xilsaaray miisaaniyadda Qaranka oo yeeshay kulankoodii ugu horreeyay.

Next Post

Madaxweynaha Jubbaland oo dib ugu laabtay Kismaayo

Next Post
Madaxweynaha Jubbaland oo dib ugu laabtay Kismaayo

Madaxweynaha Jubbaland oo dib ugu laabtay Kismaayo

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaaray Laascaanood

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaaray Laascaanood

July 10, 2025
0

Laascaanood Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa maanta...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo ka qeyb-galay daah-furka Istaraatiijiyadda Dhallinyarada Carbeed

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo ka qeyb-galay daah-furka Istaraatiijiyadda Dhallinyarada Carbeed

July 10, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Cammaan...

Wasiirka Shaqada XFS oo kulan la qaatay dhiggiiga dalka Itoobiya

Wasiirka Shaqada XFS oo kulan la qaatay dhiggiiga dalka Itoobiya

July 10, 2025
0

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa kulan la qaatay Wasiirka Shaqada...

Senator Xasan Iidow oo ku guuleystay abaalmarin caalami ah

Senator Xasan Iidow oo ku guuleystay abaalmarin caalami ah

July 9, 2025
0

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu qabtay munaasabad heer caalami ah oo lagu guddoonsiiyay Senator Xasan Iidow Muxumed (Kobac)...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In