Thursday, July 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mas’uuliyiin ka socotay Hay’adda Batroolka Qaranka oo kulan kula.qaatay qeybaha Bulshada Gaalkacyo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 30, 2024
in Wararka
0
Mas’uuliyiin ka socotay Hay’adda Batroolka Qaranka oo kulan kula.qaatay qeybaha Bulshada Gaalkacyo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan oo ay soo agaasintay Hay’adda Batroolka Qaranka, isla markaana ahaa mid bulshada loogu soo gudbinayay heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay arimaha shidaal baarista Soomaaliya iyo halka ay haatan mareeyso ayaa waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin ka socatay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Galmudug Odayaasha dhaqanka Iyo Ganacsato.

Ugu horeyn kulanka waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Qaranka injineer Cabdulqaadir Maxamuud Aadan waxa uuna sharaxaad dheer ka bixiyay heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay arinta Shidaal Baarista Soomaaliya iyo heerka haatan ay mareeyso, isagoo dhinaca kalana bulshada la wadaagay ahmiyada iyo Faa’iidada Soomaaliya ay u yeelaneyso haddii lagu guuleysto Qodista Ceelasha haatan Sahankoodu guuleeystay iyo kuwa hadda kadib ay socdaan qorshahooda Sahminta.

Related posts

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025

Guddoomiye Cabdulqaadir ayaa sheegay in ujeedka socdaalkoodu uu yahay labo arimood oo kala ah ka warbixinta halka ay haatan ay wax marayaan iyo wacyi galin loo sameeynayo Bulshada taas oo ku aadan ka faa’iideeysiga fursadaha shaqo ee imaanaya

Duqa degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan ayaa uga mahadceliyay Hay’adda Batroolka Qaranka xogta ay bulshada reer Gaalkacyo ka siiyeen halka ay marayaan dadaallada Baarista Shidaalka iyo miro dhalka ka muuqanaya, isagoo dhanka kalena sheegay in loo baahan yahay ka shaqeeynta Amniga

Guddoomiye ku-xigeenka Gobalka Mudug Badal Sheekh Liibaan oo isna ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay bogaadinayaan mira dhalka ka muuqda sahankii shidaalka iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay.

Kulanka oo intii uu socday ay ka hadleen xubno ka socday odayaasha dhaqanka ayaa waxaa gabagabadii ka hadlay Xildhibaan Yoonis Maxamed Shaare iyo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Galmudug Maxamed Xaashi Dhoore oo sheegay in warbixinta ay usoo gudbiyeen Madaxda Hay’adda Batroolka Qaranka ay si weyn ugu qanceen ayna tahay mid muujineeysa guusha Soomaaliya gaartay balse loo.baahan yahay in la.garab istaago dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya.










Previous Post

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgallo Khawaarijta ka dhan ah ka wado deegaanno hoostaga Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud

Next Post

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo booqday Matxafka Aasaasihii Yugoslavia

Next Post
Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo booqday Matxafka Aasaasihii Yugoslavia

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo booqday Matxafka Aasaasihii Yugoslavia

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
0

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In