Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Masuuliyiin ka tirsan dawladda oo soo dhaweeyey Wiil dhalinyaro ah oo shahaadada PHD ka qaatay Jaamacadda Luzon ee dalka philippines “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Masuuliyiin ka tirsan dawladda oo soo dhaweeyey Wiil dhalinyaro ah oo shahaadada PHD ka qaatay Jaamacadda Luzon ee dalka philippines “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dr.Mursal Suldan Cabdullaahi oo shahaadada ugu sarreysa ee PHD ka qaatay Jaamacadda Luzon ee dalka philippines ayaa noqday wiilkii ugu horeeyey ee Soomaali ah oo isaggoo 27 jir ah qaatay Shahaadadaasi, waxaana maanta uu soo gaaray magaaladda Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa waxaa kusoo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan dawladda oo ay kamid yihiin Wasiirka wasaaradda Duulista hawada, Wasiir dawlaha Xafiiska R/wasaaraha, Wasiir ku-xiggeenka Amniga iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Xildhibaan Sakariye Xaaji Maxamuud oo qeyb ka ahaa masuuliyiinta soo dhaweysay Dr Mursal, ayaa kula dardaarmay aqoonta uu soo bartay in dalkiisa uu ugu adeego.

Wasiir ku-xiggeenka wasaaradda Amniga XFS mudane C/naasir Saciid Muuse ayaa sheegay in dalka uu u baahan yahay dhalinyaro waxbartay.

Wasiir dawlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha XFS mudane Cabdullaahi Xaamud ayaa isna dhankiisa sheegay in Dr Mursal ay ku dayan doonaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee raba in meel wanaagsan waxbarashada ay ka gaaraan.

Dr Mursal Suldan Cabdullaahi ayaa u mahad celiyey dhammaan masuuliyiinta kala duwan ee soo dhaweysay, isaggoo xusay in aqoontii uu soo bartay iyo qabradiisa dalka iyo dadka Soomaaliyeed inuu ugu shaqeyn doono.

Dr Mursal ayaa waxa uu kamid ahaa ardayda kaalmaha hore ka galay, uguna sarreysay natiijada Imtixaanka Jaamacadda, isaggoo qaatay bilada sanadlaha ah ee la siiyo ardayda ugu dadaalka badan ee dhigata Jaamacadda Luzon ee dalka  philippines.

Previous Post

Wafdi ka socda Aqalka sare oo la Kulmay Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland

Next Post

Amiirka Qatar oo Saxiixay Labo Heshiis oo ay wada galeen Soomaaliya iyo Qatar

Next Post
Amiirka Qatar oo Saxiixay Labo Heshiis oo ay wada galeen Soomaaliya iyo Qatar

Amiirka Qatar oo Saxiixay Labo Heshiis oo ay wada galeen Soomaaliya iyo Qatar

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In