Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo kulan la qaatay bulshada Gobalka Shabeellaha Hoose

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 17, 2024
in Wararka
0
Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo kulan la qaatay bulshada Gobalka Shabeellaha Hoose
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan heerarka kala duwan ee dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo socdaal shaqo ku gaaray gobolka Shabeellada Hoose ayaa kulan is xog wareysi ah la qaatay Odeyaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada ee degmada Marka.

Kulankan dadweyne ayaa waxaa diiradda lagu saarayey sidii la isugu xiri lahaa maamulka degmada, cadaaladda iyo amniga loona adkeyn lahaa wada shaqeyntooda si ay bulshada uga haqabtiraan adeegyadda dowlanimda ay had iyo jeer u baahan tahay si looga guul gaaro dadaalada xasilnta. Waxaa kale oo diiradda la saaray adkaynta nabada iyo isla jirka bulshada si deegaanka loo gaar siiyo horumar waara oo waxtar leh.

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

Bulshada deegaanka ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Cali Xoosh uga waramay xaaladda degmada, iyaga oo sheegay oo Marka iyo deegaannada hoos yimaada ay amni buuxa heleen kadib markii laga xoreeyey Khawaarijta, sidoo kale waxaa ay intaa ku dareen in soo afjarmeen dagaal beeleedyo ay hurin jireen nabad-diidka.

“Heerarka kala duwan ee Dowladda, Federaalka iyo Dowlad goboleedyadaba waxaa ka go’an in ay dhageystaan shacabka qeybihiisa kala duwan si loo xaqiijiyo gaarsiinta adeegyada ay u baahan yihiin” Waxaa sii yiri Wasiir Xoosh

Booqashadani waxay qeyb ka tahay safaro shaqo oo uu wasiirku ku kala bixinayo dhammaan dowlad goboleedyada dalka si loo dhagaysto dadka ku nool deegaandaas kala gadisan oo ay dadaalada kala duwan ka socdaan si loo adkeeyo dowladnimada, korna loogu qaado kalsoonida dadku ay ku qabaan dowladnimada.










Previous Post

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo furay aqoon isweydaarsi ku saabsan Dhab u heshiisiinta Qaran

Next Post

Wasiirkka Warfaafinta oo soo xiray Aqoon Isweydaarsiga heerka sare oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post
Wasiirkka Warfaafinta oo soo xiray Aqoon Isweydaarsiga heerka sare oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirkka Warfaafinta oo soo xiray Aqoon Isweydaarsiga heerka sare oo lagu qabtay Muqdisho

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In