Sunday, January 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federalka oo xaflad Hambalyo ah u sameeyey Taliyaha Ciidanka Asluubta S/Guud Bashiir Goobe “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Keyd Hore, Keydka Sawirrada, Wararka
0
Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federalka oo xaflad Hambalyo ah u sameeyey Taliyaha Ciidanka Asluubta S/Guud Bashiir Goobe “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaflad Casho ah oo ay kasoo qeyb galeyn Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya C/llahi Jaamac Ilka-jiir, Wasiirka Amniga Qaranka C/risaaq Cumar Maxamed, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka  Axmed Cali Daahir, Saraakiisha iyo  Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida ayaa waxa ay ugu hambalyeynayeen Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe),oo Dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu hal darajo dalacsiiyey waxaana uu ahaa intaan la dalacsiin  ka hor Sareeyo Gaas.

Xafladda ayaa Martidii kasoo qeyb gashay waxaa mada-daalinayey Hobollada Fanaaniinta Kooxda Onkod ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Waxaana Gunaanadka ka hadlay Wasiirada iyo Taliyeyaasha Ciidamada ee kasoo qeyb galay, iyagoo si wada-jir ah ugu hambalyeeyey Taliyaha Ciidanka Asluubta S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Goobbe) waxeyna Xuseen in uu mudan yahay Darajada sare ee la siiyey uuna yahay Jeneraal  Howlkar ah oo Taariikhda Dalka ay xusi doonto.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

January 25, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

January 25, 2026

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac ,ayaa Xafladaasi soo xiray, isagoo uga mahadceliyey Madaxda kasoo qeyb gashay sida ay u baraarujiyeen waxaana uu tilmaamay in waajib ay tahay in laga wada shaqeeyo danta Guud ee Dalka.

“Runtii waan u mahad celinayaa Martida madaxda ah ee halkaan fadhisa iyo dadkii soo qaban qaabiyey Xafladan la iigu hambalyeynayo, haddii aan kaftamo markii la siinayey Darajada S/Gaas waan uga horeeyey Taliyeyaasha Ciidamada ee saaxiibadeey ah, waan kusoo dhaweeyey markii iyagana la siiyey Darejadaas, hadda sidaas oo kale waan kusoo dhaweynayaa Darajada S/Guud  waana ay mudan yihiin” Ayuu yiri S/guud Bashiir Goobe

—DHAMMAAD—

Xafiiska Warfaafinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

[email protected]

Muqdisho-Soomaaliya

DSCN0197 DSCN0210 DSCN0213 DSCN0215 DSCN0229 DSCN0232 DSCN0237 DSCN0244 DSCN0246 DSCN0252 DSCN0255 DSCN0259 DSCN0297

Previous Post

Akhriso magacyada xubnaha ku guuleeystay aqalka sare ee baarlaamanka Federaalka

Next Post

Wasiirka Dastuurka oo furay tababar la xiriira dib u eegista Dastuurka+Sawirro

Next Post
Wasiirka Dastuurka oo furay tababar la xiriira dib u eegista Dastuurka+Sawirro

Wasiirka Dastuurka oo furay tababar la xiriira dib u eegista Dastuurka+Sawirro

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

January 25, 2026
0

  RADIO MUQDISHO:-Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Agaasimaha Guud Arrimaha Dastuurka ee Wasaaradda Caddaaladda...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

January 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLADA HOOSE):-Ciidamada Xoogga Dalka oo sii wada howlgallada lagu baacsanayo maleeshiyada Khawaarijta ayaa dilay horjooge lagu magacaabo Timaweyne, ka...

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026
0

Bannaan bax looga soo horjeedo faragelinta Isra’iil ay ku sameysay dalkeenna ayaa ka dhacay degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir. Bannaan...

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

January 24, 2026
0

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa toddobaadkan mar kale muujiyay kaalintooda beni’aadannimo, kaddib markii ay biyo-dhaamin degdeg ah u sameeyeen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In