Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federalka oo xaflad Hambalyo ah u sameeyey Taliyaha Ciidanka Asluubta S/Guud Bashiir Goobe “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Keyd Hore, Keydka Sawirrada, Wararka
0
Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federalka oo xaflad Hambalyo ah u sameeyey Taliyaha Ciidanka Asluubta S/Guud Bashiir Goobe “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaflad Casho ah oo ay kasoo qeyb galeyn Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya C/llahi Jaamac Ilka-jiir, Wasiirka Amniga Qaranka C/risaaq Cumar Maxamed, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka  Axmed Cali Daahir, Saraakiisha iyo  Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida ayaa waxa ay ugu hambalyeynayeen Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe),oo Dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu hal darajo dalacsiiyey waxaana uu ahaa intaan la dalacsiin  ka hor Sareeyo Gaas.

Xafladda ayaa Martidii kasoo qeyb gashay waxaa mada-daalinayey Hobollada Fanaaniinta Kooxda Onkod ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Waxaana Gunaanadka ka hadlay Wasiirada iyo Taliyeyaasha Ciidamada ee kasoo qeyb galay, iyagoo si wada-jir ah ugu hambalyeeyey Taliyaha Ciidanka Asluubta S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Goobbe) waxeyna Xuseen in uu mudan yahay Darajada sare ee la siiyey uuna yahay Jeneraal  Howlkar ah oo Taariikhda Dalka ay xusi doonto.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac ,ayaa Xafladaasi soo xiray, isagoo uga mahadceliyey Madaxda kasoo qeyb gashay sida ay u baraarujiyeen waxaana uu tilmaamay in waajib ay tahay in laga wada shaqeeyo danta Guud ee Dalka.

“Runtii waan u mahad celinayaa Martida madaxda ah ee halkaan fadhisa iyo dadkii soo qaban qaabiyey Xafladan la iigu hambalyeynayo, haddii aan kaftamo markii la siinayey Darajada S/Gaas waan uga horeeyey Taliyeyaasha Ciidamada ee saaxiibadeey ah, waan kusoo dhaweeyey markii iyagana la siiyey Darejadaas, hadda sidaas oo kale waan kusoo dhaweynayaa Darajada S/Guud  waana ay mudan yihiin” Ayuu yiri S/guud Bashiir Goobe

—DHAMMAAD—

Xafiiska Warfaafinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

[email protected]

Muqdisho-Soomaaliya

DSCN0197 DSCN0210 DSCN0213 DSCN0215 DSCN0229 DSCN0232 DSCN0237 DSCN0244 DSCN0246 DSCN0252 DSCN0255 DSCN0259 DSCN0297

Previous Post

Akhriso magacyada xubnaha ku guuleeystay aqalka sare ee baarlaamanka Federaalka

Next Post

Wasiirka Dastuurka oo furay tababar la xiriira dib u eegista Dastuurka+Sawirro

Next Post
Wasiirka Dastuurka oo furay tababar la xiriira dib u eegista Dastuurka+Sawirro

Wasiirka Dastuurka oo furay tababar la xiriira dib u eegista Dastuurka+Sawirro

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In