Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo Galmudug oo ka shiraya xoojinta Nabadgelyada “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo Galmudug oo ka shiraya xoojinta Nabadgelyada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mas’uuliyin ka tirsan Dowlad Gobaleedyada Puntland iyo Galmudug oo gaaray Deegaanka Jeexdin oo dhawaan uu ka dhacay dil loo geystay nin xoola dhaqata ah, kaasoo sababay in halkaas laga dareemo dhaqdhaqaaqyo colaadeed

Kadib markii dhawaan deegaanka Jeexdin oo hoostaga Degmada Gaalkacyo kagana beegan dhanka Waqooyi Bari qiyaas ahaan masaafo ku dhow 15 Km ayaa waxaa maanta halkaasi gaaray mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan kuwa dowlad gobaleedyada Puntaland iyo Galmudug kuwaa oo ujeedka socdaalkoodu ahaa sidii looga hortagi  lahaa dhibaatooyin ka dhasha dilka loo geystay mid ka mida xoola dhaqatada deegaanka sidoo kalana loo sii xoojin lahaa Amniga iyo daris wanaaga

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Masuuliyiinta iyo saraakiisha ayaa intii ay halkaasi ku sugnaayeen kulan la qaatay bulshada ku nool deegaankaasi Jeexdin iyagoo kala hadlay in laga wada shaqeeyo Nabadda iyo Xasiloonida

Masuuliyiinta halkaasi gaaray oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyayaasha Gobalka Mudug ee labada maamul  Cabdinaasir Cabdulqaadir Cabdille iyo Faysal Sheekh Cali .Duqa dagmada Gaalkacyo ee Galmudug Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale.Taliye ku xigeenka Ciidanka Xasilinta Booliiska Gobalka Mudug ee labada maamul Kabtan Cabdifitaax Cali Faarax iyo saraakiil kale kuwaas oo ay wehliyeen Qaar ka mida  Odayaasha iyo waxgaradka Gobalka Mudug ayaa  warbixino ka dhageystay bulshada deegaanka Jeexdin oo iyagu sheegay in ay diyaar u yihiin ka shaqeynta Amniga iyo Daris Wanaaga, iyagoo uga Mahadceliyay Madaxda iyo saraakiisha Laamaha Amniga sida mar walba ay xoogga u saarayaan Ilaalinta Nabadda iyo Isdhaxgalka bulshada oo ay xuseen in ay tahay midda kaliya ee loo wada baahan yahay

Ugu danbeyn Masuuliyiinta dowlad gobaleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa balan qaaday in si wadajir ah ay uga wada shaqeyn doonaan xal ka gaarista caqabadaha yar yar ee yimaada Mararka Qaar, kuwaas oo ay xuseen in ay yihiin qorshayaal ay maleegayaan kooxaha Naf la caarigaa ee khawaarijta Al shabaab oo doonaya in isku dirka iyo hurinta colaadda ay gabaad ka dhigtaan si ay taas u helaana mar walba isku dayaya in ay qulqulatooyin ka abuuraan deegaannada miyiga ah, iyagoo adeegsanaya hab qabiil










Previous Post

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo shir guddoomiyay kulanka Baarlamaanka “SAWIRRO”

Next Post

Dhibane Macalin Cali Maxamuud oo caafimaad dibadda ah loo qaaday “SAWIRRO”

Next Post
Dhibane Macalin Cali Maxamuud oo caafimaad dibadda ah loo qaaday “SAWIRRO”

Dhibane Macalin Cali Maxamuud oo caafimaad dibadda ah loo qaaday "SAWIRRO"

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In