Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo ka qeyb galay Bandhig dhaqameedka arday Soomaaliyeed+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
April 29, 2019
in Wararka
0
Mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo ka qeyb galay Bandhig dhaqameedka arday Soomaaliyeed+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo ka qayb galay Bandhig Dhaqameed ay soo bandhigeen arday Soomaaliyeed oo wax kabarata mid ka mid ah Jaamacaha Kampala.

 

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Bandhig dhaqameedkan oo aay soo bandhigeen arday Soomaaliyeed ee wax ka barta Jaamacadda CIU ee ku taala Magaalada Kampala ee Dalka Uganda ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ka socotay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Uganda.

Uqeybsanaha Waxbarashada iyo Dhaqanka Safaaradda Axmed Saciid Yuusuf iyo Uqeybsanaha Warfaafinta Safaaradda Soomaaliya ee Uganda Fiidow Maxamuud Fiidow ayaa ardayda kala qeyb galay bandhigaas iyagoo ku ammaanay qaabka fiican ay usoo bandhigeen dhaqankeena suubaan ee Soomaaliyeed.

Uqeybsanaha Waxbarashada Safaaradda Soomaaliya ee Uganda Axmed Saciid Yuusuf oo warbaahinta isla goobta bandhig dhaqameedka ardayda kusoo bandhigayeen kula hadlay ayaa ammaanay sida ardayda Soomaalida usoo bandhigeen Dhaqakeena.

Bandhig dhaqameedkan oo dhowr wadan ardaydooda soo bandhigayeen dhaqankooda oo kala ahaa Uganda, Koofurta Sudan, Soomaaliya, iyo wadamo kale, iyadoona bandhigii ardayda Soomaalida ay noqdeen ardaydii ugu wanaagsanaa ee dhaqankooda soo bandhiga.

Sidoo kale ardayda ayaa soo bandhigay cunooyinka sida gaarka ah u leeyihiin Soomaalida ee aadka u macaan, iyadoo madaxdii cunada Soomaalida dhadhamisay ay sheegeen inaay tahay cunada Soomaalida mid aad u macaan.

Maxamed Cabdillaahu Cabdi (Qarash) iyo Xamda Cawad Raabi oo ka mid ahaa ardaydii sida wayn uga soo shaqeysay bandhig dhaqameedkan oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay goobta ku soo bandhigeen wax yaabaha uu caanka ku yahay dhaqankeena suuban.

Ardayda Soomaalida ee jaamacaha dibadda wax ka barta ayaa inta badan kasoo dhex muuqada ardayda kale ee wax la bartaan, iyagoo soo bandhiga dhaqankeena suuban ee Soomaaliya.

Previous Post

R/wasaare ku-xigeenka dalka oo Muqdisho ka furay shirka Badqabka Fikirka iyo la dagaalanka Xagjirnimada

Next Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Guddoomiyay shirka xasilinta dalka “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Guddoomiyay shirka xasilinta dalka “SAWIRRO”

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Guddoomiyay shirka xasilinta dalka "SAWIRRO"

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In