Kormeerkaan oo ahaa mid loogu kuur galayay xaaladda maxaabiista ku xiran saldhigyada iyo xabsiyada magaalada Gaalkacyo ee dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa waxaa mas’uuliyiin ka socatay Wasaarada Amniga Dowlada Fedaraalka Soomaaliya oo ay wehliyeen mas’uuliyiin ka tirsan kuwa maamulka Galmdug ay ku tageen saldhiga iyo xabsiga magaalada Galkacyo
Agaasimaha waaaxda dhaqan celinta maleeshiyaadka ee Wasaarada Amniga dowlada Fadaraalka Soomaaliya Maalik Cabdalla ayaa sheegay in u jeedka socdaaalkooda uu la xiriro sidii ay u ogaan lahaayeen xaaladda ay ku suganyihiin maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii ciidamada Amniga iyo Al-Shabaab.
“Waxaan unimid inaan qiimeeyno xaaladda maleeshiyaadkii ka tirsanaa Al-Shabaab ee isa soo dhiibay ama lagu soo qabatay dagaalkii dhexmaray Galmudug iyo Shabaab iyo qaabkii loo wajahi lahaa in xero dhaqan celin loo sameeyo,”ayuu yiri Maalik.
Guddoomiyaha Gobalka Mudug ee dowlad gobaleedka Galmudug Cabdirashiid Xaashi Cartan oo isna la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin booqashada mas’uuliyiinta Wasaaradda amniga, maadaama ay jirto baahi fara badan oo loo qabo in laga gacan siiyo maamulka Galmudug, gaar ahaan dhaqan celinta maleeshiyaadka iyo dhameeystirka xabsiga weyn ee magaalada Gaalkacyo oo haatan qabyo ah
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Galmudug Cabdullaahi Axmed Calasoow ayaa isna sheegay in Galmudug aysan xilligan awood u laheyn xanaaneeynta iyo dhaqan celinta maleeshiyaadka ayna ka codsanayaan Dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo hay’addaha ka shaqeeya aRrimahaaan in ay ka gacan siiyaan.