Thursday, October 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mas’uuliyiin kormeer ku tegay saldhigyada ay ku xiranyihiin maleeshiyaadkii laga qabtay bariga Mudug

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kormeerkaan oo ahaa mid loogu kuur galayay xaaladda maxaabiista ku xiran saldhigyada iyo xabsiyada  magaalada Gaalkacyo ee dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa waxaa mas’uuliyiin ka socatay Wasaarada Amniga Dowlada Fedaraalka Soomaaliya oo ay wehliyeen mas’uuliyiin ka tirsan kuwa maamulka Galmdug ay ku tageen saldhiga iyo xabsiga magaalada Galkacyo

Agaasimaha waaaxda dhaqan celinta maleeshiyaadka ee Wasaarada Amniga dowlada Fadaraalka Soomaaliya Maalik Cabdalla ayaa sheegay in u jeedka socdaaalkooda uu la xiriro sidii ay u ogaan lahaayeen xaaladda ay ku suganyihiin maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii ciidamada Amniga iyo Al-Shabaab.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026

“Waxaan unimid inaan qiimeeyno xaaladda maleeshiyaadkii ka tirsanaa Al-Shabaab ee isa soo dhiibay ama lagu soo qabatay dagaalkii dhexmaray Galmudug iyo Shabaab iyo qaabkii loo wajahi lahaa in xero dhaqan celin loo sameeyo,”ayuu yiri Maalik.

Guddoomiyaha Gobalka Mudug ee dowlad gobaleedka Galmudug Cabdirashiid Xaashi Cartan oo isna la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin booqashada mas’uuliyiinta Wasaaradda amniga, maadaama ay jirto baahi fara badan oo loo qabo in laga gacan siiyo maamulka Galmudug, gaar ahaan dhaqan celinta maleeshiyaadka iyo dhameeystirka xabsiga weyn ee magaalada Gaalkacyo oo haatan qabyo ah

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Galmudug Cabdullaahi Axmed Calasoow ayaa isna sheegay in Galmudug aysan xilligan awood u laheyn xanaaneeynta iyo dhaqan celinta maleeshiyaadka ayna ka codsanayaan Dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo hay’addaha ka shaqeeya aRrimahaaan in ay ka gacan siiyaan.

 

 

Previous Post

Qurbajoogta Soomaaliyeed oo loogu baaqay inay ka qeyb qaataan dadka ay abaaruhu saameeyeen

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In