Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo madaxda kale ee Dowladda ayaa saakay Salaadda Ciidda shacabka reer Muqdisho la tukaday.
Madaxdii Madaxweynaha salaada ciida kula tukatay masaajidka isbahaysiga ayaa waxaa kamid ahaa, Raiisulwasaaraha Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Wasiiro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale, ayaa dadweynaha kula tukaday Masaajidkan.
Madaxweynaha Somaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda ka dib khudbad u jeediyay dadka ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Adxaa.
Wuxuuna Madaxweynaha ka waramay marxaladda uu dalka ku sugan yahay, gaar ahaan arrimaha ammaanka, dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al Shabaab iyo abaaraha ka jira qeybo kamid ah dalka.
Madaxweynaha ayaa Umadda Somaliyeed ugu baaqay inay la shaqeeyan laamaha ammaanka, si loo xaqiijiyo amniga guud ee dalka.