Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxaa hortaagan oofinta ballantii kaalmooyinka dhaqaale ee loo qorsheeyay Soomaaliya?

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Maxaa hortaagan oofinta ballantii kaalmooyinka dhaqaale ee loo qorsheeyay Soomaaliya?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Beesha caalamka oo ka duulaya burburkii dhinaca xukuumadda ee soo gaaray dalka Soomaaliya,waxa ay dhowr iyo labbaatankii sano ee u dambeeyay ay kaalin firfircoon ka geysteen soo nooleynta adeegyadii umadda ee lagama maarmaanka u ahaa jiritaanka dadka iyo dalka.

Waxqabadkii beesha caalamka, waxaa dadka Soomaaliyeed ay sanado badan ula muuqdeen kuwo  ujeeddo badan ah oo laga lahaa dano gaar ah sababtoo ah waxaa sameysmay mashaariic gaar ah oo ay maamuleen hey’ado samo-fal iyo ururo dowli ah oo gacan ka helaya caalamka,

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026

Afartii dsno ee u dambeysay,dalalka daneeya Soomaaliya, waxa ay ku andacoodeen in ay bixiyeen lacago taakuleyn ah oo aad u farabadan isla markaana  loogu talagalay in lagu saacido xukuumadda iyo shacbiga Soomaaliya,hasa yeeshee dooddasi ma aha mid xaqiiqo ah oo ay ku qanci karaan dadka Soomaalioyeed, ,marka laga reebo lacagaha la siiyo ciidamada nabad ilaalinta Amisom ee jooga Soomaaliya.

Lacagaha samofalka ee ay bixiyaan wadamada reer Galbeedka waxaa inta badaqn ay ku bexeen hey’ado gaar ah oo aan la ogeyn cidda ay u shaqeyaan iyo waxa ay qabteen,inkastoo mararka qaar ay jireen tababarro iyo waxqabad kooban oo ay sameeyeen  hey’adahaasi.

Kaalinta beesha caalamka ee Soomaaliya,waxaa la oran karaa waa mashruuc ganacsi, waayo lacagaha loo yabooho dadka Soomaaliyeed waxa ay ku noqdeen gacanta dalalkaasi,kuwaas oo deeqaha lacagaha ah u soo dhiibay hey’ado lagu tilmaamay in ay dowladda ka taageerayaan horumarka adeegyada bulshada iyo dhameystirka kaabayaasha dhaqaale ee dalka.

Bilowgii  dowladda Soomaliyeed ee la aqoonsan yahay kadib beesha caalamka gaar ahaan dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya waxa ay la yimaadeen tallaabooyin dhiiri gelin ah oo horay u sii riixay waxqabadka dowladda oo xilligaan ah mid laga dareemi karo caasimadda iyo gobolada dalka,laakiin taageeradaasi ma noqon mid sii jirta oo ay ku qanceen umaddu

Xukuunadda Soomaaliya waxay dadaal ugu jirtaa dhismaha iyo dhameystirka,adeegyada dowladda,iyo kuwa  bulshada ,inkastoo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya ay bixiyeen lacago  kooban oo aan dabooli Karin baahida dadka iyo dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa marar badan ka hadlay gaabiska ku yimid Waxqabadka beesha caalamka iyo sida ay lama huraanka u tahay ka miro-dhalinta qorshayaasha kutalagal ee  ay dowladdu ugu jirto gaaritaanka hadafka guud ee dalka,wuxuuna  ku celiyay in dalalka daneeya Soomaaliya iyo kuwa bixiya deeqaha ay ka dhabeeyaan ballan qaadkii dhinaca dhaqaalaha oo aas aas u ah socodsiinta howlaha xukuumadda iyo dhismaha hey’adaha dalka

Dhibaatooyinka ugu weyn ee heysta Xukuumadda Sooomaliya ayaa lagu micneeyay in ay la xiriiraan maqnaashaha lacagihii laga filaayey caalamka iyo sii socoshada  dhaqaalaha ku baxa hey’adaha samo-falka ee ka howlga gudaha dalka,kuwaas oo aysan jirin cid xisaabisa iyo kuwo baara qaabka ay u maareeyaan ama  u isticmaalaan  lacagahaasi.

Illaa hadda ma cadda waxa hortaagan in beesha caalamka ay ku dhiiradaan bixinta lacagihii taakuleynta ee ay horay u ballanqaadeen ,waxaana muuqata quud-dareyn iyo saluug laga qabo hogaamiyaasha dalka,taas oo lagu fasiran karo in madaxda dalka laga waayey danaha ay leeyihiin reer galbeedka ama in ay jiraan  tuhunno qalad ah oo ku aadan musuqmaasuq iyo wax isdaba marin.

Dowladda Soomaaliyeed waa in ay isku daydaa sidii looga maarmi lahaa ku tiirsaanaanta xad-dhaafka ah ee muujinnaya in wax kasta laga sugo beesha caalamka,waana in ay ku xisaabtamaan waxa ay heystaan iyo waxa  soo galaya,iyadoo la yareynayo kharashyada ku baxa safarada aan micnaha laheyn iyo howlaha kale ee aan danta ugu jirin dadka iyo dalka.

Si loo helo dowlad Soomaaliyeed oo sal adag waxaa habboon in beesha caalamku ay la yimaaddaan siyaasad cad iyo qorshe kutalagal oo gacan ka geysan kara in la daboolo baahida dowladdda Soomaaliya iyo shacabkaba.

Shire Xasan Kulmiye

Previous Post

Qaxooti SOomaali ah oo lagu qabtay xadka ay wadaagaan Kenya iyo Uganda

Next Post

Gudoomiyaha Baarlamanka F. S. oo saaka gaaray Baydhabo

Next Post
Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Soo Saaray Go’aan Ku Saabsan Maareynta Wadahadal gelinta Mooshinka Madaxweynaha

Gudoomiyaha Baarlamanka F. S. oo saaka gaaray Baydhabo

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In