Tuesday, December 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxaa la filan karaa dagaalka ka curtay gobollada Soomaaliya kadib?

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
3 years ago
in Wararka
0
Ciidanka XD oo qabtay Maleeshiyaad Al-Shabaab ah iyo waxyaabaha Qarxa “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa sii kordhaya guulaha ay ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ka gaarayaan dagaalada ka curtay gobolada dalka, kadib go’aankii uu Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ku iclaamiyay dagaalka Al-Shabaab looga sifeynaayo gabi ahaan dalka.

Dagaalka xoogiisa ayaa ka socda deegaanada hoostaga Dowlad Goboleedyada Hir-Shabelle iyo Galmudug, kaas oo hurda seejiyay Al-Shabaab oo qeybo badan ka ariminayay Gobolo dhowr ah oo hoostaga maamulada aan kor kusoo xusay.

Related posts

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025

Dagaalka u dhexeeya halyeeyada Qaranka, kuwa deegaanka iyo Al-Shabaab ayaa ka duwan dagaaladii horay uga dhacay dalka, iyadoo dagaaladaani socda ay yihiin kuwo ku suntan baadi-goobka “Soomaaliya oo ka caagan kooxo xagjir ah oo kasoo horjeeda dhismaha dowlad awood leh”.

Dowlada Soomaaliya, ayaa Dagaalka socda ku diiwaan galineysa taariikhyo dhaxal-gal u ah Qaranimada Soomaaliya, waxaana xusid mudan in dagaalada socda ay muujinayaan sida Ummadda Soomaaliyeed ay u diidan tahay in dalka ay kasii howlgalaan “Dhinacyo hubeysan oo diidan isku filnaanshaha Soomaaliya, islamarkaana ka caagan ugugyada ku abtirsada Al-Qacida”.

Al-Shabaab iyo dhinacyada taageera sida Al-Qacida, ayaa dhankooda ka diiwaangalin doona dhacdooyin aysan horay u arag taasoo daaha ka rogeysa inay soo ifbaxeen “Dhalinyaro iyo Bulsho mideysan oo Hubka u qaatay helista xorriyad aasaaskeeda uu yahay ku noolaanshaha “Nabad, Xasilooni, Midnimo iyo isku-tiirsanaan dhanwaliba leh”, wallow ujeedka ugu weyn ee Al-Shabaab uu yahay curashada Bulsho Soomaaliyeed oo kala ququban, si loogu sii hayo gumeysiga lagu dhalanrogaayo Maskaxdooda.

Al-Shabaab waxa ay dagaalka ku weysay Horjoogayaal qeyb ka ahaa Aasaaska kooxda, Hanti kala duwan sida Gaadiid, Hub, Dhulal iyo in laga xiray dhammaan tubbooyinkii loo soo marin jiray dhaqaalaha, taasoo ka dhigan in Al-Shabaab ay wajaheyso culeysyo aysan horay u arag.

Mugdi kuma jiro in Dagaalada socda ay Soomaaliya u horseedeen guulo dhanwaliba leh, waxaana soo ifbaxaaya in laga maarmikaro ciidamada Shisheeye ee howlaha shaqo u jooga Soomaaliya sida ATMIS, maadaama adduunka uu isweydiinayo awoodaha ay lasoo baxeen ciidamada Qaranka oo mugdi lixaad leh galiyay kuwa shisheeye ee ATMIS oo la rumeysan yahay inaysan u babac-dhigi karin ciidamada difaaca Qaranka.

Isku-tashiga Dowlada Federaalka iyo Ciidamada Qaranka ayaa sidoo kale cashar lama ilaawaan ah u dhigaaya dowladaha uu hal-ku-dhigoodu yahay “Soomaaliya kuma filna amnigeeda”.

FAA’IIDOOYINKA KA DHASHAY DAGAALADA SOCDA:

1-Dib ula soo laabashada Degmooyin iyo deegaano kabadan 45 oo ku dhawaad 10-Sanno ku jiray gacanta Al-Shabaab.

2-Soo bandhigista awooda ciidan ee DFS iyo isku filnaanta shacabka Soomaaliyeed.

3-Soo af jarista nolosha Horjoogayaal miisaan u lahaa Al-Shabaab, kuwaasoo qeyb ka ahaa aasaasayaasha Al-Shabaab.

4-Gacan ku dhigista Gaadiid iyo Hub aan la qiyaasi Karin xadigooda.

5-Tijaabinta awooda ciidamada deegaanka iyo ku dhiiranaanshaha la-dagaalanka Al-Shabaab.

MAXAA LAGA DOONAYAA DOWLADA FEDERAALKA AH EE SOOMAALIYA:

1-Sameynta maamulo cusub oo ka arimiya Degmooyinka iyo deegaanada laga saaray Al-Shabaab.

2-Sameynta ururo dhalinyaro oo ka shaqeeya gurmad u fidinta Bulshada kunool goobaha laga saaray Al-Shabaab.

3-In Dowlada Federaalka ay waqti hore sii diyaariso ciidamo isugu jira Militery iyo Boolis oo si rasmi ah ula wareega dhammaan dhulalka laga qabsado Al-Shabaab.

4-Dajinta qorsho lagu maareynayo ciidamada xaq u dirirka sida in lagu biiriyo “Militeriga ama Booliska”, iyadoo laga feejignaanayo inay noqdan awood labaad oo ka curata Soomaaliya.

5-Ka shaqeynta xiriiro toos ah oo dhexmara dhinacyada “Dowlada, Ciidamada, kuwa xaq u dirirka iyo Bulshada” si looga baaqsado firaaq amni oo ka dhaca goobaha laga saaro Al-Shabaab.

MAXAA LA FILANKARAA DAGAALKA SOCDA KADIB:

1-Soomaaliya oo ka caagan kooxo hubeysan oo xiriir la leh Al-Qacida.

2-Soomaaliya oo barwaaqo sooran ah iyo in 30-sanno kadib la helo in safaro dhulka ah leysaga kala goosho “Min caasimad ilaa Gobol”.

3-Soomaaliya oo ka caagan dagaalo ku saleysan “mid qabiil iyo mid diimeed”.

4-Isku filnaan Qaran oo ku dhisan wada shaqeyn iyo wadatashi.

5-Dib u tacbashada Beeraha, ka faa’iideysiga wabiyada iyo dhismaha maamul Goboleedyo ku imaada rabitaanka dowlada.

GUNAANAD

Jiritaan Al-Shabaab ayaa sabab u ah kala ququbanaanta dowlada, maamul Goboleedyada, Bulshada, taasoo cuuryaamisay dhismaha maamul mideysan oo ka curta dalka iyo in Bulshada Soomaaliyeed ay u jiheystaan dhinaca wax-soo-saarka beeraha iyo wabiyada uu alle ku galaday Ummadda Soomaaliyeed.

W/Q. Ustaad Anwar Bakhiit

Fallanqeeye Arrimaha A.B.S

 

Previous Post

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo isbitaalka ku booqday Prof Jawaari

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u hambalyeey Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Ingiriiska

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo u hambalyeey Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Ingiriiska

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u hambalyeey Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Ingiriiska

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 22-aad. Kulanka waxaa...

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa daahfuray kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo ku saabsan hagaajinta...

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

December 15, 2025
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta hoggaamiyay munaasabadda dhagax-dhigga xarumo muhiim u...

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

December 15, 2025
0

Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa wasaaradaha ay wada-shaqeeyaan iyo bah-wadaagta horumarinta, ayaa si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In