Sunday, January 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keydka Sawirrada

Maxaabiista ku xiran Xabsiga dhexe ee Xamar oo sare u qaaday Agabyada ay sameeyaan “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Keydka Sawirrada, Wararka
0
Maxaabiista ku xiran Xabsiga dhexe ee Xamar oo sare u qaaday Agabyada ay sameeyaan “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xabsiga dhexe ee Xamar, waxaa ku xiran Maxaabiis farabadan oo loo heysto dambiyo kala duwan, dhowwaan Xabsiga gudahiisa waxaa la hirgaliyey Xarumo loogu talagalay in wax lagu baro maxaabiista.

Warshad farsamada gacanta lagu barto iyo madaaris waxbarasho Dugsi hoose ilaa iyo Jaamacad, ayaa laga hirgliyey Xabisga dhexe ee Xamar, Maxaabiista ayaana iminka soo saaraya Agabyo kala duwan oo sida loo sameeyo ay bareen Xirfad-yahano Taliska Ciidanka Asluubta ka tirsan.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

January 25, 2026
Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026

Warshadda Tababarka Maxaabiista ee Xabisiga dhexe ee Xamar ayaa soo saarta Agabyo isugu jira Qalab xafiiseedka oo dhameystiran, kuraasta iyo Miisaska waxbarashada, Qoryaha Macmalka ah ee Ciidanka lagu tababaro iyo Toliinka dharka, iyadoo intaas ay sii dheertahay in Maxaabiista Xabisga dhexe hadda ay bilaabeen sameynta Qalabka  hiddaha iyo dhaqanka  Soomaalida.

Dhagaxda la qoro ee laga sameeyo dab-qaadka iyo Burjikada  ayaa Taliska Ciidanka Asluubta waxa uu ka keenay Gobolka Galgaduud, waxaana Maxaabiista Xabsiga dhexe ay ka sameeyaan waxyaabaha hiddaha iyo dhaqanka iyo sidoo kale ugaarta dhulkeena laga helo oo dhagax ah.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa sheegay in Taliska Ciidanka asluubta uu dadaal u gali doono sidii loo kordhin lahaa Goobaha sidan oo kale ah oo Maxaabiista lagu barayo Farsamada gacanta, isagoo Tilmaamay in la gaarsiin doonno dhammaan Xabsiyada dalka si qofka Maxbuuska ah uu uga faa’iideysto fursadaasi.

 

DSCF7334 DSCF7338 DSCF7340 DSCF7342 DSCF7343 DSCF7346 DSCF7349 DSCF7350 DSCF7352 DSCF7353 DSCF7358 DSCF7359 DSCF7360DSCF7361 DSCF7363 DSCF7365 DSCF7368 DSCF7372 DSCF7375 DSCF7376 DSCF7377 DSCF7379 DSCF7380 DSCF7381 DSCF7382

—DHAMMAAD—

Xafiiska Warfaafinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

Email:[email protected]

Muqdisho-Soomaaliya

 

 

Previous Post

Maamulka Gobolka Banaadir oo dib ugu celiyay muwaadin gurigiisa si sharci darro ah looga heystay “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Dalka oo furay shirka Talo-Qaran “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Dalka oo furay shirka Talo-Qaran “SAWIRRO”

Madaxweynaha Dalka oo furay shirka Talo-Qaran "SAWIRRO"

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

January 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLADA HOOSE):-Ciidamada Xoogga Dalka oo sii wada howlgallada lagu baacsanayo maleeshiyada Khawaarijta ayaa dilay horjooge lagu magacaabo Timaweyne, ka...

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026
0

Bannaan bax looga soo horjeedo faragelinta Isra’iil ay ku sameysay dalkeenna ayaa ka dhacay degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir. Bannaan...

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

January 24, 2026
0

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa toddobaadkan mar kale muujiyay kaalintooda beni’aadannimo, kaddib markii ay biyo-dhaamin degdeg ah u sameeyeen...

War-murtiyeedka Shirka  Golaha Wadatashiga Qaranka

War-murtiyeedka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

January 24, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) oo ay qaab fogaan arag...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In