Friday, September 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxaabiistii laga soo daayay Dalka India oo maanta laga soo dejiyay Garoonka Muqdisho(Sawiro)

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
Maxaabiistii laga soo daayay Dalka India oo maanta laga soo dejiyay Garoonka Muqdisho(Sawiro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026

Maxaabiistan oo maanta laga soo dejiyay Goraanka Aadan Cadde ayaa tiradoodi gaareysa ilaa 76,kuwaasi oo laga soo daayay xabsiyada Dalka India oo ay ku jireen in muddo ah .

R/wasaare kuxigeenka Dalka ahna kusimaha R/wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed(Khadr) oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo uu kamid yahay Wasiirka Cadaaladda  ayaa Garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyey maxaabiistaasi Soomaaliyeed.

Maxaabiistani Soomaaliyeed ayaa markii ay ka soo degeen Garoonka waxaa ay muujiyeen sida ay ugu faraxsanyihiin in ay yimaadaan dhulkooda Hooyo,iyagoo uga mahadceliyay Dowladda Soomaaliya dadaalka ay u gashey siideynta muwaadiniinteed oo ku xirxiran xabsiyada caalamka.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed R/wasaare kuxigenka Dalka oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay yihiin maxaabiistan tiradii ugu dambeysay,wuxuu xusay in guud ahaan 120 ay ahaayeen,horey waxaa loo soo daayay 41 qof,3 kalena ay xabsiyada ku geeriyoodeen,76na maanta la keenay,sidaasina ay noqonayso in gebi ahaanba maxaabiista Soomaaliyeed ee kujira Xabsiyada Dalkaasi la soo daayay.

Dhawaan ayaa xabsiyada kuyaala dalka Liibiya waxaa laga soo daayay maxaabiis farabadan oo Soomaali ah,kuwaasi oo gacanta ugu jiray kooxaha looyaqaano Magafayaasha Dalkaasi, oo dhibaatooyin u geystay dadka Tahriibayaasha ah.

Dowladdad Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii guud ahaan loo soo dayn lahaa maxaabiista Soomaaliyeed oo siyaabo kaladuwan ugu kala xiran xabsiyo kuyaal wadamada Caalamka.

Previous Post

Duqa Muqdisho iyo Odayaasha dhaqanka oo ka wada hadlay Amniga iyo horumarinta Caasimadda+Sawirro

Next Post

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo Heshiis Horumarineed kala saxiixday+Sawirro

Next Post
Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo Heshiis Horumarineed kala saxiixday+Sawirro

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo Heshiis Horumarineed kala saxiixday+Sawirro

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
0

Waxaa magaalada Nairobi lagu qabtay Shirka Heerka Sare ee Iskaashatada Horumarinta iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed ee Dib-u-soo-nooleynta Webiyada Nairobi, kaas oo...

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

September 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka....

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

September 10, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In