Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxaad kala socotaa Fadliga Soonka maalinta (Caashuuraa) iyo sababta ay ku timid?

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Maxaad kala socotaa Fadliga Soonka maalinta (Caashuuraa) iyo sababta ay ku timid?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Inta badan dunida Islaamka ayaa sooma soonka sunada ah ee loo yaqaano yowmul Caashuuraa,taasi oo ay kaga dayanayaan rasuulkeena Suuban Naxriis iyo Nabadgeliyo korkiisa ha ahaatee,kaasi oo faa’iido weyn u ah umadda Muslimiinta oo Alle kaga dembi dhaaf dalbanaya.

Hadaba maqaalkan kooban oo ay diyaarisay Wakaaladda SONNA ayaan bulshada ugu faah faahin doonaa si kooban faa,iidada ay leedahay in la soomo maalintani oo ku began beri oo taariikhdu ay tahay 9/9/2019 ama Hijiriyada 10 bisha Muxaram sanadka 1441.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026

Maalinta (Caashuura) waa Maalinta Sagaalaad ee bisha Muxarram ama Soomaalida ay u taqaano (zako) waa Maalintii Alle uu badbaadiyay Nabi Muuse iyo qowmkiisa fircoonna halaagay

TAARIIKHDA MAALINTA CAASHUURA.

Taariikhda maalinta (Caashuura) sida ay ku timid waxaa la wariyaa inay ahayd in rasuulka SCW markuu u soo hijrooday Magaaladii Madiina,waxaa uu ku arkay yahuudda dagan magaaladaasi oo sooman,markaas ayuu ku yiri waa maxay maalinkaan aad soomaysaan.

Yahuudii ayaa markaas ku jawaabeen.

“Maanta waa maalin weyn waa maalin farxadeed,waa maalin mahadnaq,waa maalintii uu Alle badbaadiyay Nabi Muuse,islamarkaana uu halaagay Fircoon iyo qowmkiisa.

Rasuulka CSW ayaa maalinkaasi soomay,isagoo Alle kaga mahadcelinaya wuxuuna yiri”

“Muuse anagaa idinkaga xaqnima badan,dadkana wuxuu faray inay soomaan, Marka la eego taariikh ahaan Sandkii labaad ee hijriyada,Soonka Cashuura wuxuu ahaa mid waajib ah,balse markii muslimiinta lagu waajibiyay bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa la joojiyay waajibnimada Soonka (Caashuura) oo waxaa laga dhigay mid sunno ah,oo qofkii doona sooma qofkii doonana ka taga,balse muhiimad iyo fadli badan leh.

Fadliga Soonka Caashuura

Soonka maalinta (Caashuura) Axaadiis badan ayaa kusoo aroortay,balse waxaynu soo qaadanaynaa xadiiska uu warinayo saxaabiga Cabdullaahi Ibnu Cabaas Nabiga CSW waxa uu yiri” soonka maalinta Caashuura waxaan Alle kaga ajar xisaabsanayaa inuu ii dhaafo dembiyadii  sanadkii tagay”.

Hadaba maalinkaas in lasoomo waa sunno muhiim ah,oo aad u fadli badan waxaana loo baahanyahay in lasoomo maalinta (Caashuura) maalinta ka horeysa 9aad ama maalinta ka dambeysa ee 11 aa-d si yahuudda loo khilaafo,maadama ay soomayaan Maalinta Caashuura keliya.

 W/Q Ibraahiim Azhari

Previous Post

Taliyaha iyo Saraakiisha qeybta 21aad oo Baledweyn kula kulmay Taliska ciidamada Hiil ee halkaasi ku sugan+Sawirro

Next Post

Wasiirka Cadaalada XFS oo booqday Xabsiga dhexe+Sawirro

Next Post
Wasiirka Cadaalada XFS oo booqday Xabsiga dhexe+Sawirro

Wasiirka Cadaalada XFS oo booqday Xabsiga dhexe+Sawirro

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta safar shaqo ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti...

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In