Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxaad kala socotaa Fadliga Soonka maalinta (Caashuuraa) iyo sababta ay ku timid?

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
September 8, 2019
in Wararka
0
Maxaad kala socotaa Fadliga Soonka maalinta (Caashuuraa) iyo sababta ay ku timid?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Inta badan dunida Islaamka ayaa sooma soonka sunada ah ee loo yaqaano yowmul Caashuuraa,taasi oo ay kaga dayanayaan rasuulkeena Suuban Naxriis iyo Nabadgeliyo korkiisa ha ahaatee,kaasi oo faa’iido weyn u ah umadda Muslimiinta oo Alle kaga dembi dhaaf dalbanaya.

Hadaba maqaalkan kooban oo ay diyaarisay Wakaaladda SONNA ayaan bulshada ugu faah faahin doonaa si kooban faa,iidada ay leedahay in la soomo maalintani oo ku began beri oo taariikhdu ay tahay 9/9/2019 ama Hijiriyada 10 bisha Muxaram sanadka 1441.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Maalinta (Caashuura) waa Maalinta Sagaalaad ee bisha Muxarram ama Soomaalida ay u taqaano (zako) waa Maalintii Alle uu badbaadiyay Nabi Muuse iyo qowmkiisa fircoonna halaagay

TAARIIKHDA MAALINTA CAASHUURA.

Taariikhda maalinta (Caashuura) sida ay ku timid waxaa la wariyaa inay ahayd in rasuulka SCW markuu u soo hijrooday Magaaladii Madiina,waxaa uu ku arkay yahuudda dagan magaaladaasi oo sooman,markaas ayuu ku yiri waa maxay maalinkaan aad soomaysaan.

Yahuudii ayaa markaas ku jawaabeen.

“Maanta waa maalin weyn waa maalin farxadeed,waa maalin mahadnaq,waa maalintii uu Alle badbaadiyay Nabi Muuse,islamarkaana uu halaagay Fircoon iyo qowmkiisa.

Rasuulka CSW ayaa maalinkaasi soomay,isagoo Alle kaga mahadcelinaya wuxuuna yiri”

“Muuse anagaa idinkaga xaqnima badan,dadkana wuxuu faray inay soomaan, Marka la eego taariikh ahaan Sandkii labaad ee hijriyada,Soonka Cashuura wuxuu ahaa mid waajib ah,balse markii muslimiinta lagu waajibiyay bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa la joojiyay waajibnimada Soonka (Caashuura) oo waxaa laga dhigay mid sunno ah,oo qofkii doona sooma qofkii doonana ka taga,balse muhiimad iyo fadli badan leh.

Fadliga Soonka Caashuura

Soonka maalinta (Caashuura) Axaadiis badan ayaa kusoo aroortay,balse waxaynu soo qaadanaynaa xadiiska uu warinayo saxaabiga Cabdullaahi Ibnu Cabaas Nabiga CSW waxa uu yiri” soonka maalinta Caashuura waxaan Alle kaga ajar xisaabsanayaa inuu ii dhaafo dembiyadii  sanadkii tagay”.

Hadaba maalinkaas in lasoomo waa sunno muhiim ah,oo aad u fadli badan waxaana loo baahanyahay in lasoomo maalinta (Caashuura) maalinta ka horeysa 9aad ama maalinta ka dambeysa ee 11 aa-d si yahuudda loo khilaafo,maadama ay soomayaan Maalinta Caashuura keliya.

 W/Q Ibraahiim Azhari

Previous Post

Taliyaha iyo Saraakiisha qeybta 21aad oo Baledweyn kula kulmay Taliska ciidamada Hiil ee halkaasi ku sugan+Sawirro

Next Post

Wasiirka Cadaalada XFS oo booqday Xabsiga dhexe+Sawirro

Next Post
Wasiirka Cadaalada XFS oo booqday Xabsiga dhexe+Sawirro

Wasiirka Cadaalada XFS oo booqday Xabsiga dhexe+Sawirro

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In