Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxakamadda Ciidanka qalabka sida oo siideysay shaqsi loo haystay dil iyo Al-Shabaabnimo

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Maxakamadda Ciidanka qalabka sida oo siideysay shaqsi loo haystay dil iyo Al-Shabaabnimo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Cabdullaahi Xasan Axm’d Maalin (Warranto) ayaa loo soo qabtay in ka tirsanaa Maleeshiyada Al-shabaab,  sidoo kale waxaa loo heystay in uu ka dambeey dilka Marxuum Cabdulla Maalin Maxam’d  oo ka tirsanaa Ciidanka Ilaalada Xamar (Minishiibiyo) Taariikhdu markey aheyd 22/02/2018, dilkaasi oo ka dhacay degmada Yaaqshiid.

Cabdullaahi Xasan Axm’d Maalin (Warranto) ayaa Ciidamada Amniga soo qabtay 18/04/2018, waxaana Ciidamada amniga u soo gudbiyeen  Xafiiska Xeer ilaalinta  21/05 ee isla sanadkan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isla maalintaas codsaday  in xabsiga loo gudbiyo si Maxkamadda loo hor geeyo.

Baaritaan dheer kedib ayaa Xafiiska Xeer Ialaalinta Ciidamada Qalabka Sida  04/06/2018 waxa ay sameeyeen eed ka dhan ah Cabdullaahi Xasan Axm’d Maalin (Warranto), waxa ayna ku aadeeyeen ka mid ahaanshiyaha kooxda Al-shabaab iyo Shir-qoolka dilka Marxuumka kor ku xusan.

Eedda ay soo gudbiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa loo cuskaday Baarista ay sameeyeen Ciidamada Amniga iyo shaqsi Markaati ah, waxa ayna eedooda ku codsadeen in la muddeyo  waqti  qaadista Maxkamadda.

12 Bishan aynu ku jirno  ayaa loo fariistay markii ugu horreysay eedda ka dhanka ah Cabdullaahi Xasan Axm’d Maalin (Warranto), waxaana garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada ay dhageysteen doodda dhinacyada Xeer Ilaalinta iyo Qareenka difaacayay eedeysanaha.

Dood dheer kedib ayaa garsoorayaasha Maxkamadda Go’aan ku gaareyn in dib la isugu noqdo 19-kii isla Bishan, waxaana markale la sii amba qaaday dhageysiga eedda ka dhanka ah eedeysanaha kor ku xusan.

Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa ku dooday in uu bari ka yahay dhammaan soo jeedinta xeer ilaalinta, waxa uuna u sheegay garsoorayaasha iyo dhinacyada kale ee ka qeyb galayay doodda in uu yahay Cabdullaahi Xasan Axm’d Maalin (Warranto) Shaqsi  laga been abuuranayo.

Garsoorayaasha Maxkamadda ayaa go’aan ku gaaray iyagoo eegaya jawaabaha uu Garsoorayaasha ka hor bixiyay eedeysanaha, iyagoo dhuuxaya nuxurka doodda dhinacyada ka dhaxeeyso, iyagoo aan ku qancin cadeymaha Maxkamadda la hor keenay oo uu ka mid yahay Markaati ehel la’ ah Marxuumka,   in Cabdullaahi Xasan Axm’d Maalin (Warranto) uu yahay xur, maxkamaddana ay fareyso in la sii daayo  hadii aysan jirin dambiyo kale oo loo heysto, sida uu u sheegay G/sare Xasan Cali Nuur (Shuute) Guddoomiyaha Maxkamadda D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida,  dhamman dhinacyada ka qeyb galayay doodda dacwadda oo ay ka mid aheyd warbaahinta Garsoor.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa ah halka kaliye ee caddeyn karta go’aan ka gaarista jiritaanka eedaha ay soo gudbiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida iyo in kale, waaana Maxkamadda leh awoodda aan ka gambashada laheyn ee fulineyd hadii ay u cadaato eedaha ka dhanka ah Ciidamada iyo Maleeshiyaadka u abaabulan sidi Qaab Ciidan oo kale sida Maleeshiyada Al-shabaab.

 

Previous Post

Shacabka Turkiga oo maanta u dareeraya cod bixinta doorashooyinka guud ee dalkaasi

Next Post

Wasiirka Waxbarashadda oo daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ah ee Beledweyne

Next Post
Wasiirka Waxbarashadda oo daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ah ee Beledweyne

Wasiirka Waxbarashadda oo daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ah ee Beledweyne

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In