Thursday, May 19, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxakamadda Ciidanka qalabka sida oo siideysay shaqsi loo haystay dil iyo Al-Shabaabnimo

June 24, 2018
in Wararka
0
Maxakamadda Ciidanka qalabka sida oo siideysay shaqsi loo haystay dil iyo Al-Shabaabnimo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

R/W Rooble oo qaabilay Safiirka Masar ee Soomaaliya

R/W Rooble oo qaabilay Safiirka Masar ee Soomaaliya

May 18, 2022
Duqa Muqdisho iyo Xildhibaanno booqasho salaan ah ugu tegay Madaxweynaha Dalka

Duqa Muqdisho iyo Xildhibaanno booqasho salaan ah ugu tegay Madaxweynaha Dalka

May 18, 2022

Cabdullaahi Xasan Axm’d Maalin (Warranto) ayaa loo soo qabtay in ka tirsanaa Maleeshiyada Al-shabaab,  sidoo kale waxaa loo heystay in uu ka dambeey dilka Marxuum Cabdulla Maalin Maxam’d  oo ka tirsanaa Ciidanka Ilaalada Xamar (Minishiibiyo) Taariikhdu markey aheyd 22/02/2018, dilkaasi oo ka dhacay degmada Yaaqshiid.

Cabdullaahi Xasan Axm’d Maalin (Warranto) ayaa Ciidamada Amniga soo qabtay 18/04/2018, waxaana Ciidamada amniga u soo gudbiyeen  Xafiiska Xeer ilaalinta  21/05 ee isla sanadkan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isla maalintaas codsaday  in xabsiga loo gudbiyo si Maxkamadda loo hor geeyo.

Baaritaan dheer kedib ayaa Xafiiska Xeer Ialaalinta Ciidamada Qalabka Sida  04/06/2018 waxa ay sameeyeen eed ka dhan ah Cabdullaahi Xasan Axm’d Maalin (Warranto), waxa ayna ku aadeeyeen ka mid ahaanshiyaha kooxda Al-shabaab iyo Shir-qoolka dilka Marxuumka kor ku xusan.

Eedda ay soo gudbiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa loo cuskaday Baarista ay sameeyeen Ciidamada Amniga iyo shaqsi Markaati ah, waxa ayna eedooda ku codsadeen in la muddeyo  waqti  qaadista Maxkamadda.

12 Bishan aynu ku jirno  ayaa loo fariistay markii ugu horreysay eedda ka dhanka ah Cabdullaahi Xasan Axm’d Maalin (Warranto), waxaana garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada ay dhageysteen doodda dhinacyada Xeer Ilaalinta iyo Qareenka difaacayay eedeysanaha.

Dood dheer kedib ayaa garsoorayaasha Maxkamadda Go’aan ku gaareyn in dib la isugu noqdo 19-kii isla Bishan, waxaana markale la sii amba qaaday dhageysiga eedda ka dhanka ah eedeysanaha kor ku xusan.

Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa ku dooday in uu bari ka yahay dhammaan soo jeedinta xeer ilaalinta, waxa uuna u sheegay garsoorayaasha iyo dhinacyada kale ee ka qeyb galayay doodda in uu yahay Cabdullaahi Xasan Axm’d Maalin (Warranto) Shaqsi  laga been abuuranayo.

Garsoorayaasha Maxkamadda ayaa go’aan ku gaaray iyagoo eegaya jawaabaha uu Garsoorayaasha ka hor bixiyay eedeysanaha, iyagoo dhuuxaya nuxurka doodda dhinacyada ka dhaxeeyso, iyagoo aan ku qancin cadeymaha Maxkamadda la hor keenay oo uu ka mid yahay Markaati ehel la’ ah Marxuumka,   in Cabdullaahi Xasan Axm’d Maalin (Warranto) uu yahay xur, maxkamaddana ay fareyso in la sii daayo  hadii aysan jirin dambiyo kale oo loo heysto, sida uu u sheegay G/sare Xasan Cali Nuur (Shuute) Guddoomiyaha Maxkamadda D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida,  dhamman dhinacyada ka qeyb galayay doodda dacwadda oo ay ka mid aheyd warbaahinta Garsoor.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa ah halka kaliye ee caddeyn karta go’aan ka gaarista jiritaanka eedaha ay soo gudbiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida iyo in kale, waaana Maxkamadda leh awoodda aan ka gambashada laheyn ee fulineyd hadii ay u cadaato eedaha ka dhanka ah Ciidamada iyo Maleeshiyaadka u abaabulan sidi Qaab Ciidan oo kale sida Maleeshiyada Al-shabaab.

 

Previous Post

Shacabka Turkiga oo maanta u dareeraya cod bixinta doorashooyinka guud ee dalkaasi

Next Post

Wasiirka Waxbarashadda oo daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ah ee Beledweyne

Next Post
Wasiirka Waxbarashadda oo daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ah ee Beledweyne

Wasiirka Waxbarashadda oo daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ah ee Beledweyne

R/W Rooble oo qaabilay Safiirka Masar ee Soomaaliya

R/W Rooble oo qaabilay Safiirka Masar ee Soomaaliya

May 18, 2022
0

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Dowladda Masar ee Soomaaliya Mudane Maxamed...

Duqa Muqdisho iyo Xildhibaanno booqasho salaan ah ugu tegay Madaxweynaha Dalka

Duqa Muqdisho iyo Xildhibaanno booqasho salaan ah ugu tegay Madaxweynaha Dalka

May 18, 2022
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa booqday hoyga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Axmed Madoobe

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Axmed Madoobe

May 18, 2022
0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam. Masuuliyiinta ayaa...

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Safiiradda dalalka Uganda iyo Itoobiya ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Safiiradda dalalka Uganda iyo Itoobiya ee Soomaaliya

May 18, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay Safiirka dowladda Uganda ee Soomaaliya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In