Saturday, March 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxakamadda Gobolka Banaadir oo xukun ku ridday Andrew Brain Irlam o u dhashey Britain

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Maxakamadda Gobolka Banaadir oo xukun ku ridday Andrew Brain Irlam o u dhashey Britain
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kiiska loo heystay Andrew Brain Irlam oo ahaa muwaadin u dhashey Dalka Britain ayaa maanta Maxakamadda gobolka Banaadir go’aan kama dambeys ah ka gaartay,kadib markii lagu soo eedeeyey qal-qal gelinta amniga garoonka Aadan Cadde ee magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Ninkan 48 sano jir ah ayaa waxa ay maxkamaddu sheegtay in lagu helay qodobka 34-aad ee xeerka nabad gelyada Qaranka,waxaana in muddo ah kujiray gacanta hay’adaha ammanka dalka oo baaritaano ku hayay kiiskiisa.
Maxakamadda Gobolka Banaadir ayaa ninkan ku xukuntay inuu bixiyo ganaax lacageed oo dhan 7,000 oo lacagta Dollarka Mareykanka,islamarkaana waxaa soo gaba geboobay kiiska loo haystay Andrew Brain Irlam.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheikh oo xarig jaray waddada isku xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

Madaxweyne Xasan Sheikh oo xarig jaray waddada isku xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

March 28, 2026
Soomaaliya oo markii ugu horreysay ka qayb gashay Shir-sanadeedka Xuquuqda Aadanaha ee Dalladaha IGAD

Soomaaliya oo markii ugu horreysay ka qayb gashay Shir-sanadeedka Xuquuqda Aadanaha ee Dalladaha IGAD

March 28, 2026

Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ee qaabilsan garoonka Aaadan cadde ayaa horay ninkani ugu soo qabtay 7 khasnadood iyo Jaakadaha aan xabbaddu karin, xilli uu u safrayey dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta.

Wuxuu Andrew Brain Irlam oo dhalasho kale ka heystay dalka Faransiiska uu horey ula shaqeyn jiray shirkadda SKA oo maamulaysay garoonka Aaadan cade.

Previous Post

Waa sidee xaaladda caafimaad madaxweynihii hore ee Zimbabwe Ropert Mogabe?

Next Post

Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose oo ka hadlay howlgal Ciidanka XDS ay kula wareegeen degmada Aw-dheegle

Next Post
Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose oo ka hadlay howlgal Ciidanka XDS ay kula wareegeen degmada Aw-dheegle

Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose oo ka hadlay howlgal Ciidanka XDS ay kula wareegeen degmada Aw-dheegle

Madaxweyne Xasan Sheikh oo xarig jaray waddada isku xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

Madaxweyne Xasan Sheikh oo xarig jaray waddada isku xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

March 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray, waddada laamiga ah...

Soomaaliya oo markii ugu horreysay ka qayb gashay Shir-sanadeedka Xuquuqda Aadanaha ee Dalladaha IGAD

Soomaaliya oo markii ugu horreysay ka qayb gashay Shir-sanadeedka Xuquuqda Aadanaha ee Dalladaha IGAD

March 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Bishoftu,Ethiopia):-Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka qayb gashay shir-sanadeedka Dalladda Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha ee waddamada urur gobolleedka IGAD oo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta xarigga ka jari doona waddada xiriirisa Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta xarigga ka jari doona waddada xiriirisa Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

March 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha JFS ayaa maanta xarigga ka jaraya wadada laamiga ah ee xiriirisa isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha, taas oo maamulka...

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo u soo gudbay wareegyada soo socda ee tartan-ciyaareedka Qaramada Africa-2027

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo u soo gudbay wareegyada soo socda ee tartan-ciyaareedka Qaramada Africa-2027

March 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Maputo):-Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta, ayaa galabta ciyaaray kulan muhiim ah oo qeyb ka ah isreeb-reebka hordhaca...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In