Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ku guuleystay xilka guddoonka baarlamaanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Maxaa ku soo kordhay goobihii ay wax ka dheceen? Dhageyso Wariye Cabdi casiis Africa?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga doorashada baarlamaanka federaalka ee dalka ayaa ku dhawaaqay doorashada xilka guddoomiyaha Baarlamaanka in uu ku guuleystay Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo horey u soo qabtay xilkan afartii sano ee la soo dhaafay.

Tirinta codadka doorashada ayaa musharxiinta afarta qof ee xilkan ku tartamayay waxa ay kala ahaayeen Xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig, Xildhibaan Cabdifataax Ibraahim Geeseey iyo Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

“259 mudane ayaa codeysay Xildhibaan Idiris Cabdi waxa uu helay 2 cod,  Xildhibaan Cabdifataax Ibraahim Geeseey waxa uu helay 17 cod,  Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig waxa uu helay 97 cod, halka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu helay 141 cod, sidaas darteed, laga bilaabo xilligan waxaa xilka guddoomiyaha baarlamaanka 10aad si rasmi ah ugu guuleystay Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, iyadoo ay qasaartay labo cod oo kale, taasi oo ka dhigeysa in wadarta guud ay tahay 259 mudane” ayuu yiri Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ah Guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka.

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaar ayaa markale ku guuleystay xilka Guddoomiyaha baarlamaanka 10aad ee dalka, waxaana uu noqonayaa mas’uulkii ugu horeeyay ee mar labaad ku guuleysta tartanka guddoonka baarlamaanka oo markale dib loo doorto.

Previous Post

Wareegga koowaad ee codeynta doorashada oo la soo gabo gabeeyay

Next Post

RW Ku-Xigeenka dalka oo hambalyo u diray Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee la doortay

Next Post
RW Ku-Xigeenka dalka oo hambalyo u diray Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee la doortay

RW Ku-Xigeenka dalka oo hambalyo u diray Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee la doortay

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In