Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamad ku taala Mareykanka oo xukunno kala duwa ku ridday dhalinyaro Soomaali ah+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Maxkamad ku taala Mareykanka oo xukunno kala duwa ku ridday dhalinyaro Soomaali ah+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamada Federaalka ah ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa xukunno kala duwa ku ridday  9 wiil oo dhalinyaro oo Soomaali ah oo  lagu eedeeyey in ay doonayeen in ay ku biiraan kooxda ISIS.

Maxkamadani oo socotay 3 maalin ee la soo dhaafay ayaa maalin walba la xakumayey sedex qof, hadaba Maalintii ugu horeysay ayaa waxaa la xakumay C/llaahi Yuusuf, C/risaaq Warsame iyo Zakariye C/raxmaan, kuwaasoo lagu helay dambiyo la xiriira inay doonayeen inay ku biiraan kooxda ISIS, waxaana lagu xukumay xukumo u  dhexeeya 5 sanno ilaa 10 sanno.

Related posts

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026

Sidoo kale maalintii labaad ayaa waxaa maxkamada  la soo taagay  Xamza Ahmed oo 21 jir ah, Cadnaan Farah oo 19 jir ah iyo Hanad Muuse oo 21 jir ayey maxkamadda ku riddey xukunno 10 ilaa iyo 15 sano ah.

Haddaba maalintii ugu danbeysay oo sida weyn loo wada sugayey ayaa waxaa maxkamadda la soo taagay wiilasha kala ah Guleed Cumar oo 22 jir ah, ayaa lagu xakumay 35 Sanno  Abdirahman Da’ud iyo Maxamed Faarah oo min 22 jir ah lagu xukumay min 30 sano.

Ayaan Faarax ayaa waxa ay sheegtay in aysan marnaba filanaynin in caruurteeda lagu xukumi doono muddo intaasi la eg waxayna Soomaalida ugu baaqday in hurdada laga kaco sababtoo ah bay tiri in caruur walba oo Soomaaliyeed sidan oo kale loogu soo socdo iyadoo ka muuqatay dareen hooyanimo.

Dhanka kale Eng Jibriil Afyare oo isagane ka mid ahaa horjoogayaasha jaaliyadda Soomaalida Maraykanka oo la hadlay warbaahinta Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in hadda loo baahan yahay in laga warqabo caruurta maadaama ay jirto qatar dhanka internet-ka ah oo lagu duufsan karo Caruurteena.

Markii maxkamadda la soo xeray ayaa waxaa banaanka maxkamadda isugu yimid qaar ka mid ah jaaliyada Soomaalida iyo Muwaadiniin Maraykan kuwaasi oo shacuurtooda ku hor muujiyey aafafka hore ee Maxkamada iyagoo is garab taagay waalidiinta caruurtooda la xakumay.

_C4A8422 _C4A8424 _C4A8439 _C4A8445 _C4A8448 _C4A8458 _C4A8460 _C4A8461 _C4A8468

Liban Hussein warbaahin ka Qaranka

Minneapolis Dalka Mareykanka

Previous Post

Gudoomiyaha Baydhabo oo tababar u soo xiray dhalinyaro+Dhageyso

Next Post

Dowladda Kenya oo ogolaatay in Mudo kordhin 6-bilood ah loo sameeyo dib u celinta Qaxootiga Soomaliyeed+Dhageyso

Next Post
Dowladda Kenya oo ogolaatay in Mudo kordhin 6-bilood ah loo sameeyo dib u celinta Qaxootiga Soomaliyeed+Dhageyso

Dowladda Kenya oo ogolaatay in Mudo kordhin 6-bilood ah loo sameeyo dib u celinta Qaxootiga Soomaliyeed+Dhageyso

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caddaaladda oo war ka soo saartay hannaanka dib u eegista Dastuurka

January 27, 2026
0

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ka jawaabeysaa hadallo dhawaan ay jeediyeen qaar ka mid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In