Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamad ku taala Mareykanka oo xukunno kala duwa ku ridday dhalinyaro Soomaali ah+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Maxkamad ku taala Mareykanka oo xukunno kala duwa ku ridday dhalinyaro Soomaali ah+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamada Federaalka ah ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa xukunno kala duwa ku ridday  9 wiil oo dhalinyaro oo Soomaali ah oo  lagu eedeeyey in ay doonayeen in ay ku biiraan kooxda ISIS.

Maxkamadani oo socotay 3 maalin ee la soo dhaafay ayaa maalin walba la xakumayey sedex qof, hadaba Maalintii ugu horeysay ayaa waxaa la xakumay C/llaahi Yuusuf, C/risaaq Warsame iyo Zakariye C/raxmaan, kuwaasoo lagu helay dambiyo la xiriira inay doonayeen inay ku biiraan kooxda ISIS, waxaana lagu xukumay xukumo u  dhexeeya 5 sanno ilaa 10 sanno.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Sidoo kale maalintii labaad ayaa waxaa maxkamada  la soo taagay  Xamza Ahmed oo 21 jir ah, Cadnaan Farah oo 19 jir ah iyo Hanad Muuse oo 21 jir ayey maxkamadda ku riddey xukunno 10 ilaa iyo 15 sano ah.

Haddaba maalintii ugu danbeysay oo sida weyn loo wada sugayey ayaa waxaa maxkamadda la soo taagay wiilasha kala ah Guleed Cumar oo 22 jir ah, ayaa lagu xakumay 35 Sanno  Abdirahman Da’ud iyo Maxamed Faarah oo min 22 jir ah lagu xukumay min 30 sano.

Ayaan Faarax ayaa waxa ay sheegtay in aysan marnaba filanaynin in caruurteeda lagu xukumi doono muddo intaasi la eg waxayna Soomaalida ugu baaqday in hurdada laga kaco sababtoo ah bay tiri in caruur walba oo Soomaaliyeed sidan oo kale loogu soo socdo iyadoo ka muuqatay dareen hooyanimo.

Dhanka kale Eng Jibriil Afyare oo isagane ka mid ahaa horjoogayaasha jaaliyadda Soomaalida Maraykanka oo la hadlay warbaahinta Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in hadda loo baahan yahay in laga warqabo caruurta maadaama ay jirto qatar dhanka internet-ka ah oo lagu duufsan karo Caruurteena.

Markii maxkamadda la soo xeray ayaa waxaa banaanka maxkamadda isugu yimid qaar ka mid ah jaaliyada Soomaalida iyo Muwaadiniin Maraykan kuwaasi oo shacuurtooda ku hor muujiyey aafafka hore ee Maxkamada iyagoo is garab taagay waalidiinta caruurtooda la xakumay.

_C4A8422 _C4A8424 _C4A8439 _C4A8445 _C4A8448 _C4A8458 _C4A8460 _C4A8461 _C4A8468

Liban Hussein warbaahin ka Qaranka

Minneapolis Dalka Mareykanka

Previous Post

Gudoomiyaha Baydhabo oo tababar u soo xiray dhalinyaro+Dhageyso

Next Post

Dowladda Kenya oo ogolaatay in Mudo kordhin 6-bilood ah loo sameeyo dib u celinta Qaxootiga Soomaliyeed+Dhageyso

Next Post
Dowladda Kenya oo ogolaatay in Mudo kordhin 6-bilood ah loo sameeyo dib u celinta Qaxootiga Soomaliyeed+Dhageyso

Dowladda Kenya oo ogolaatay in Mudo kordhin 6-bilood ah loo sameeyo dib u celinta Qaxootiga Soomaliyeed+Dhageyso

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In