Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamad ku taalla South Africa oo lasoo taagay Burcad lagu eedeeyay dilka laba Ganacsato Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Maxkamad ku taalla South Africa oo lasoo taagay Burcad lagu eedeeyay dilka laba Ganacsato Soomaaliyeed “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkmad ku taalla Magaalada Polokwani ee Dalka Koonfur Afrika ayaa lasoo tagay laba nin oo South African ah oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dil loogu geystay laba wiil iyo abtigiisa Soomaali ah  oo ka wada shaqeynayay hal Dukaan ay ku lahaayeen  Tuulo ku taalla Gobolka Limpopo ee K/Afrika.

Eedeysanayaasha oo lasoo xiray markii uu falka dhacay oo ahayd Sanadkii 2013 ka waxay socotay dacwadooda muddo seddex sano ah, iyadoo dhowr jeer oo hore racfaan ka qaateen waxaana xoogga saaray Jaaliyadda Gobolka Limpopo,Ehalada labada wiil ee la dilay iyo Safaaradda Soomaalida ee Pretoria in cadaaladda la horkeeno kuwii ka dambeyay dilka dhalinyaradan.

Related posts

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026

Labada Marxuum waxaa la kala oran jiray Cabdisalaan Nuur Muxdiin iyo Maxamed Xasan Muxudiin waxaana lagu dilay toorey kadib markii lagu qabtay Bastoolad xilli fiid ah oo ay ka ganacsanayeen dukaan yar oo ay ku lahaayeen Tuulo dhacda duleedka Magaalada Polokwani.

Dhageysiga Dacwadan oo socday muddo sedex maalmood ah ayaa waxaa ka qeybgalay Ehalada labada Marxuum,Qaar ka mid ah Ganacsatada iyo Jaaliyadda Gobolka Limpopo,Safiiirka Soomaaliya u fadhiya Wadamada Afrikada Koonfureed,Qunsalka Safaaradda iyo dad K/Afrikan ah oo qaarkood daris lahaa Dukaanka labada .

Marxuum,dhageysi kadib ayaa waxaa qirtay mid ah Burcadii geystay falkan inuu gacantiisa ku dilay C/Salaan Nuur Muxudiin iyo Maxamed Xasan Muxudiin halka Eedeysanaha kale aan lagu helin wax cadeyn ah.

Qaar ka mid ah dadki ka qeybgalay ayaa Wariyaha Warbaahinta Qaranka ugu soo warama Dalka K/Afrika,C/qaadir Axad oo la hadlay ayaa sheegay inay filayaan in Eedaysanayaasha Cadaallada la horkeeno.

Danjire Jamal Barrow iyo Qunsul Maxamed Cali Mire (Nabadoon) oo iyagu safar ugu yimid inay ka qeybagalaan Dacwadan ayaa Safiirka Jaaliyadda Soomaaliyeed dardaaran u diray.

“Ujeedada aan u nimid aniga iyo Qunsulka inaan ka qeybgalno Maxkmad ka bilaabanaysay Polokwani oo sedex sano kahor lagu dilay laba Ganacsato,waxaan ugu mahadcelinayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kasoo qeybgashay,waxaana ku dhiiragalina inay sidaasoo kale dambiyada laga galo inay geeyaan Saldhigyada oo ay ka harin”ayuu yiri Danjire Jamal Barrow.

Dilalka loogu geysto K/Afrika Ganacsatada Soomaalida ayaan intooda badan Maxkmad lala tiigsan Dambiilayaashii falka ka dambeyay,waxeyna Jaaliyadda Soomaaliyeed eed dusha kaga tuurtaa Dowladda K/Afrika inay Xabsi u taxaabin Dambiilaha halka Dowladduna sheegto in Soomaalida dabagalin oo aan soo xaadirin Maxkamadda sidaa darteed la fasaxo Burcadda.

IMG_0855 IMG_0856 IMG_0857 IMG_0858 IMG_0859WD:C/qaadir Axad,Limpopo

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Tartamayaasha degmada Gaalkacyo oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha degmada Gaalkacyo oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha degmada Gaalkacyo oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
0

Magaalada Edmonton gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen Aqoonyahanno...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In