Friday, October 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamada ciidamada qalabka sida oo bilowday dhageysiga dhacwado loo heysto Afar eedeysane oo ka tirsanaa Al-shabaab+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Maxkamada ciidamada qalabka sida oo bilowday dhageysiga dhacwado loo heysto Afar eedeysane oo ka tirsanaa Al-shabaab+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Halkan waxaa ka bilaabatay fadhiga dacwad qaadista Shabakad katirsan Alshabaab gaar ahaan qeybta fulisa dilalka gaadmada ah oo ka howlgali jiray Galbeedka Caasiamadda.

Eedaysanaha 1-aad Shucayb C/laahi Max’ed  oo magiciisa afgarashadu yahay (Axmed) ,  Maxamed Cismaan Axmed oo magacyadiisa afgarashadu yihiin (C/weli, Atam, Bakistaan) Ismaaciil Max’ed Aweys oo magiciisa afgarashadu yahay  (Yaxye)  ayaa laga soo qabtay bar ay ciidamada amniga ku hubiyaan dadka iyo gaadiidka oo ku taala waaxda Xaawa Taako ee degmada Wadajir 28/02/2019 xilli ay kasoo noqdeen howlgal arga-gaxisanimo oo fashilmay  halka eedeysnaha 4-aad laga qabtay degmada deyniile gaar ahaan Jaamacada Gahayr .

Related posts

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026

Eedaysanaha 1aad Shucayb C/laahi Max’ed  oo magiciisa afgarashadu yahay (Axmed) ayaa loo heystaa dilka Marxuum Ex- S/X/le X. Xuseen Macalin Cali Jilacow 28/06/2017, Marxuum Ex- G/le Bol. Yuusuf C/laahi Max’ud 09/12/2017, Marxuum Ex- L/x/le Bol, C/laahi Ibraahim Xasan (Gambar) 05/05/2018, 27/11/2018 Marxuum Cabdi Cali Max’ud oo ahaa nin shacab ah oo ka ganacsanaayay hilibka (Kawaanle) halka   dhaawac xabadeed uu u  gaysatay Dhibane C/raxmaan Max’ed Cali, waxa uu sidoo kale kala  simanyahay Ismaaciil iyo Maxmed in ay qorsheynayeen dilka Baarliin Cabdi Warsame oo aheyd gabar ka ganacsato qaadka.

Eedaysanaha 2-aad Max’ed Cismaan Axmed Cumar (C/weli, Atam, Bakistaan),  Waxa uu ahaa wade Mooto Bajaaj ugu adeega  keenista iyo ka qaadista  Bastooladaha lagu fuliyo Dilalka qorshaysan Alshabaab, sidoo kale waxaa lagu eedeeyay  in 28/02/2019 uu qeyb  ka ahaa dilkii fashilmay ee lala damacsanaa Dhibane Baarliin Cabdi Warsame.

Eedeysanaha 3–aad Ismaaciil Max’ed Aweys (Yaxye) ayaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in uu qeyb ka ahaa fashilka dil ay la damacsanaayeen Dhibane Baarliin Cabdi Warsame.

Sedaxda eedeysane ayay ciidamada amniga ku qabteen bar ay ciidamada amniga ku leeyihiin waaxda xaawo taako ee degmada wadajir halkaas oo ay isku dayeen in ay ka baxsadaan balse mid kamid ah ciidamada amniga ayaa fashiliyay isku daygooda.

Eedaysanaha 4-aad Saadaq C/jabaar Cumar Xuseen, waxaa si gaar ah loogu eedeeyay kamid ahaanshiyaha Alshabaab  gaar ahaan Qeybta fulisa dilalka qorshaysan, waxaa si gaar ah loogu qabtay fulinta dilka  Marxuum Ex D/le X. Max’ud Xasan Ibraahim 31/03/2019.

Xafiiska Xeer Ilaalinta CQS aya fursad loo siiyay in ay Maxkamadda la yimaadaan cadeymaha kiiskan ay eedeysanaha kawada yihiin 4-ta eedeysane ee Maxkamadda hortaagan.

6- markaati uu ku jiro dhibane ayaa Maxkamaddu dhageystay, waxa ay dhinacyada dacwadda weydiiyeen su’aalaha habraaca sharciga o ogolaanayo,  markaatiyaasha ayaa  ka sheekeyey sida ay u dhaceen ficillada qaar oo ay eedeysanayaasha geysteen, halka sidoo kale si gaar ah loo dhageystay ciidamadii barta ku qornaa.

Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa weydiistay Maxkamadda in la siiyo fursad dheerad ah oo ay maxkamadda ku horkeenaan agab iyo markaatiyaasha qaarkooda oo safar kaga maqan magaalada…

Qareenada ayaa  kala sinnaa soo jeedinta Xeer Ilaalinta.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee CQS  ayaa soo xiray fadhiga Maxkamadda, waxaana sii socon doonta dhageysiga dacwooyinka loo heysto eedeysanayaashaan.

Previous Post

Dowladaha Soomaaliya iyo Norway oo maanta si wadajira u daahfuray wajiga labaad ee mashruuca xasilinta iyo adeegyada bulshada+Sawirro

Next Post

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo soo xeray Shirka Hay’adda jidadka Soomaaliyeed “Sawirro”

Next Post
Wasiirka Howlaha Guud XFS oo soo xeray Shirka Hay’adda jidadka Soomaaliyeed “Sawirro”

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo soo xeray Shirka Hay’adda jidadka Soomaaliyeed “Sawirro”

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay ayna kasoo qeybgaleen Xildhibaanno Soomaaliyeed oo Baarlamaanka Canada ku metela Soomaalida, siyaasiyiin hore,...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In