Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo soo xeray Shirka Hay’adda jidadka Soomaaliyeed “Sawirro”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
November 7, 2019
in Wararka
0
Wasiirka Howlaha Guud XFS oo soo xeray Shirka Hay’adda jidadka Soomaaliyeed “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Howlaha Guud Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wasaaraddaha Howlaha Guud ee Dowlad goboleedyada oo muddo Seddex maalmood ah shir uga socday Magaaladda Muqdisho, kaasi oo ku saabsanaa siddii loo dhameystiri lahaa hay’adda jidadka Soomaaliyeed oo muhiim u ah kaabeyaasha
dhaqaalaha dalka, sida dib u dhiska iyo guriyeynta ayaa waxaa maanta soo xeray Wasiirka Howlaha Guud XFS Mudane Cabdi Aadan Hoosoow.

Agaasimaha maamulka iyo maaliyadda Wasaaradda Howlaha Guud XFS Eng.Maxamed Cabduqaadir Xuseen, ayaa sharaxaad ka bixiyay shirkaan iyo heshiiska ay wada saxiixdeen Wasaaradda iyo Maamul goboleedyada .

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

“Muddada Seddexda cisho ah oo aan halkaan fadhinay waxaan isku afgaranay tirada guud ee xubnaha inay noqdaan Todobo oo kala ah Hal  haween iyo Lix rag ah, waxaan kaloo isku afgaranay shirka guddiga iyo goobaha ay ka dhici doonaan iyo xubnahii ka mid noqon lahaa guddiga oo ah hay’ad walbo xubinta ay ku leydahay gudigga” ayuu yiri Agaasime Maxamed Cabduqaadir Yariisoow”

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Aadan Hoosoow oo soo xeray shirka ayaa ku booriyay in la adkeeyo xiriirka wada-shaqeynta, si looga mira dhaliyo howlaha loo igmaday oo ay ka mid yihiin siddii dalka iyo dadkaba wax loogu soo kordhin lahaa.

“Runtii si wanaagsan ayuu innoogu dhammaaday shirka Alle mahadiis, sidoo kale inay howshaan ay qabsoonto fikir iyo dadaal badan ayaa la geliyay, waana idinka mahad celinayaa howhsii aad qabateen Maamul goboleeyada iyo howl wadeenada Wasaaradda” ayuu yiri Wasiir hoosoow.

Hay’adda Qaran ee jidadka Soomaaliyeed ayaa marka la dhameystiro waxaa ay qaban doontaa howlaha dib u dhiska dalka, sida hubinta iyo tayada dhismooyinka dalka, taasi oo muddo ka badan 30 sano ka maqneyd adeegyadda bulshadda.

 

                   

Previous Post

Maxkamada ciidamada qalabka sida oo bilowday dhageysiga dhacwado loo heysto Afar eedeysane oo ka tirsanaa Al-shabaab+Sawirro

Next Post

Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis ku kacaya 3 mliyan Euro

Next Post
Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis ku kacaya 3 mliyan Euro

Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis ku kacaya 3 mliyan Euro

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In