Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DAAWO-Maxkamada Ciidanka qalabka sida oo Xukuno ku riday rag ka tirsanaa kooxda Al shabaab

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Maxkamad Ciidanka oo maanta siday xukuno kala duwan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamada Ciidanka Qalabka sida Ee Soomaaliya ayaa Maanta Xukno kala duwan ku Riday Dad loo haysto Dambiyo kala duwan iyadoo dadkaas qaarkood loo haysto in Kooxda Nabad diidka ah Ee Al shabaab ay ka tirsan yihiin

Mascuud Khaliif Daahir oo Xeer ilaalinta Ciidanka Qalabka sida ay ku soo Eedeysay in uu ka tirsanaa Maleyshiyada Al shabaab isla markaana lagu soo qabtay bastoolad uu ku dhibaateynayay shacabka Soomaaliyeed Iyadoo uu Maxkamada ka hor qirtay Ruuxaasi in bastooladiisa uu ku Xabadeeyay Wadaad Masaajid ku Jiray waxaa ay ku xukuntay Xabsi sideed Sano ah oo Xabsi Ciidan ah.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Sidoo kale Nuur isgow Mad Isaaq oo isna Maxkamadu ay ku soo Eedeysay in uu ka tirsanaa Maleyshiyaadka Al Shabaab ayaa waxaa uu Maxkamada ka horqirtay in Booliska Kooxda uu ka tirsanaa waxaana lagu xukumay sadax sano oo xabsi Ciidan ah.

Cabdi qafaar Daahir Tuuryare oo ka mid ahaa dadka Maanta la horkeenay ayaa waxaa lagu soo Eedeeyay in uu yahay sarkaal Al Shabaab ka tirsan una qaabilsanaa qaybta Hub Gudbinta waxaa Maxmadau ku dhawaaqday in lagu xukumay Toban sano oo Xabsi Ciidan ah.

Cabdul qaadir Maxamed jaamac oo sidoo kale ka mid ahaa dadka maanta Maxkamada la horkeenay isla markaana loo haystay in uu ka tirsan yahay maleyshiyaadka Al Shabaab gaaar ahaan qaybta Amniyaadka ayaa waxaa maxkamada ay ku dhawaaqday in lagu Xukumay Toban sano oo xabsi Ciidan ah dhamaana Xukunadaas waxaa ay Maxkamadu ku dhawaaqday in Racfaan uu ka furan yahay .Col Cabdulaahi Muuse Keyse ayaana aqriyay Go.aanka Maxkamada.

Previous Post

Ciidamada amaanka oo Howlgalo Dad lagu qabtay ka sameeyay Degmada yaaqshiid.DAAWO

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho 04 02 2015

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho 04 02 2015

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In