Friday, December 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamada ciiidamada qalabka sida ee qaybta Galmudug oo maanta u fadhiisatay gar-maqalka dacwad ciqaabeed.

admin by admin
4 years ago
in Wararka
0
Maxkamada ciiidamada qalabka sida ee qaybta Galmudug oo maanta u fadhiisatay gar-maqalka dacwad ciqaabeed.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamada ciiidamada qalabka sida ee qaybta Galmudug ayaa maanta u fadhiisatay gar-maqalka dacwad ciqaabeed dil ah oo uu ku eedeeysnaa dable Booliis Maxamed Baryare Daahir oo ka tirsan ciidanka  booliiska degmada Matabaan kuna eedeeysan dil Matabaan loogu geystay  30/4/2021 marxuum lagu magacaabi jiray ex dable Booliis sharmaake Cilmi Maxamuud.

 

Related posts

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025

Daah furka fadhiga maxkamada ayuu gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Galmudug Gaashaanle Dhexe Cabdulaahi Abuukar Xasan waydiiyey eedeysanaha jawaabtiisa la xiriirta eeda Xafiiska xeer ilaalinta maxkamada Ciidamada.

 

Eedeysane dable Booliis Maxamed Baryare Daahir oo ka jawaabayay waydiinta gudoonka maxkamada ayaa sharaxey sida gacantiisa ugu baxey marxuumka geeriyoodey.

 

Xeer ilaaliaha maxakamada Ciidamada Qalabka sida ee qaybta Galmudug  G/sare Cabdulaahi Maxamed Muuse Keyse ayaa isna maxkamada ka hor aqriyay eedeeymaha loo heysto dable Booliis Maxamed Baryare Daahir, isagoo dalbadey in in la mariyo ciqaab u dhiganta dambiga lagu soo eedeeyay.

 

Abuukaate Xalane oo dhankiisa duray habka dacwad oogista xafiiska xeer ilaalinta ayaa maxkamada ka dalbadey in iyadoo la tixgalinayo qiraalka eedeeysanaha iyo qaabka uu u dhacay dilka uu geystay loo fududeeyo ciqaabta.

 

Gunaanadka garmaqalka ayaa gudoomiyaha maxamada ciidamada qalabka sida ee qeybta Galmudug G/dhaxe Cabdulaahi Abuukar Xasan oo xiray fadhigan maxkamada, isagoo ku dhawaaqey go’aanka   gungaarka dacwada.

Previous Post

Doorashada Shan kursi oo ka tirsan Aqalka Sare oo Baydhabo Ka dhaceyso.

Next Post

Askar ka tirsan ciidamada Niger oo lagu dilay weerar ka dhacay gudaha Dalkaasi

Next Post
Askar ka tirsan ciidamada Niger oo lagu dilay weerar ka dhacay gudaha Dalkaasi

Askar ka tirsan ciidamada Niger oo lagu dilay weerar ka dhacay gudaha Dalkaasi

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
0

Maanta oo Jimco ah waxaa dadweynaha  fursad loo siiyay in ay qaataan kaarka codeynta,kaas oo si habsami leh uga socda...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka XFS Dr.Cali Xaaji Aadan Abuubakar iyo mas’uuliyiin kale ayaa xalay Cisbitaalka Degfeer ku booqday qoysa Soomaali ah oo...

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

December 19, 2025
0

Muqdisho(SONNA):-Booliska Soomaaliya oo diyaargarow ugu jira Xuska Sanad Guurada 82-aad ee kasoo wareegatay Aas Aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Taliyaha Ciidanka...

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

December 18, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta tababar usoo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In