Dacwad oogaha Maxkamadda caalamiga ah ee denbiyada, Fatou Bensouda, ayaa muujisay walaaca ay ka qabto dagaalka cusub ee ka dhax bilaawday Israaโiil iyo Falastiin.
Fatou Bensouda ayaa tilmaantay in dagaalkaan ay ka dhalan karaan xad gdubyo iyo xasuuq shacab.
Fatou Bensouda ayaa ugu baaqday beesha caalamka inay dadaal ku bixiso si loo joojin lahaa daagaalkaan , waxeyna raacisay in xafiiskoodu la socodo waxa ka dhacaaya goobaha kala duwan ee Falsatiin.
Bensouda ayaa horay si rasmi ah uga codsatay maxkamadda in la furo gal baaritaan oo ku saabsan dambiyo dagaal oo la sheegay in Israaโiil ka geysatay dhulka Falastiin.
Dhanka kale wasiirka caafimaadka ee Qaza ayaa sheegtay in tirade guud ee dhimashada tan iyo markii ay weeraradii ugu dambeeyay ay dhaceen in ay gaarayaan dadka ku dhintay ย 35 oo ay ku jiran 12 caruur ah in ka badan 233 kale ayaaย ku dhaawacmeen weereradada ka dhacay Daanta galbeed,Qaza iyo Qudus.
Ciidanka Israaโiil ayaa sheegaya in ku dhaw 1,500 oo Gantaal laga soo tuuray dhanka Qaza iyagoo meelo kale duwan uga dhacay Israaโiil iyadoo ay ciidamada ay xoojinayaan amniga dhanka xududa dhulka bariga ee ay haystan.












