-Maxkamadda Ciidamada ayaa dil toogasha ah ku xukuntay Cabdifatax Maxamed Xasan Qoslaaye oo ahaa taliyihii Saldhigga Heliwaa, kabtan Booliska ka tirsan iyo Dable Maxamed Cabdi Maxamed Qoone oo la shaqeynaayey taliyaha
Waana qasaasta marxuum Abuukar Axmed Kaabax oo ay Dileen 24/02/2024.
Sidoo kale Maxkamadda ayaa ka xayuubisay darajadiisa ciidan, kana saartay ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Dhamme Qoslaaye iyo Qoone.
Maxkamadda Ciidamada ayaa 15-Sano oo xabsi ciidan ah ku riday Liibaan Maxamed Cumar oo sidoo kale Liibaan Maxamed Axmed ku isticmaalo Passport-Kenyan, Waana abaabulaha kiiskan ka agaasimay Dubai.
Maxamed Cadaawe Cali iyo Yaasiin Cabdi Jaamac oo ahaa maleeshiyad aan diiwaanka Ciidanka ku jirin laakiin Qoslaaye uu dharka ciidanka booliska u xiray ayaa lagu xukumay min 10-sano oo xabsi Ciidan ah halka Xasan Maxamed Saciid [Dhiin-Dhiin] oo ahaa farsamiyaqaan loo adeegsaday daba galka iyo shaxda dhicista isku xun laga dhigay labadan.
Maxkamadda ayaa sii daysay Maxamed Xasan Cusmaan oo ay wax dambi ah ku wayday.
Rafcaan waa furan yahay sida lagu sheegay bayaanka maxkamadda