Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda ciidamada oo xukun ku ridday askar lagu qabtay maandooriye “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Maxkamadda ciidamada oo xukun ku ridday askar lagu qabtay maandooriye “Sawirro”

????????????????????????????????????

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidanka Qalabka sida ayaa maanta magaalada Jowhar ku xikuntay askar lagu soo qabtay maandooriyaha xashiiska

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad G/dhexe Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhowaaqay xukunka Maxkamadda waxana uuna sheegay in saddex ka mid ah ciidamada xoogga dalka lagu helay dambi ah inay fududeeyeen in maandooriyaha xashiishadda si qarsoodi ah loo geeyo magaalada Muqdisho.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Sidoo kale gudoomiye Shuute ayaa sheegay in dambiilayaashan xukunkooda yahay min 10 sano oo xarig ciidamadeed ah Qodobada 319,320,321,322 ee xeerka ciqaabta ciidamada qalabka sida.

Askartan lagu xukumay xariga ayaa kala ah Laba Alifle Barrow Muudey Axmed oo 55 sano jir ah,Cabdrashid Raagge Xaashi oo 28 jir ah iyo Awalow C/qadir Maxamed ayaa la soo bandhigay hub ay isticmaalayeen iyo 57 kiilo oo ah maandooriyaha xashiishada.

Goob fagaare ah oo lagu gubay maandooriyahan xashiishka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullahi Xuseen iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka degmada Jowhar.

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Guudlaawe ayaa u mahadceliyay ciidamada ku guuleystey in ay wax ka qabtaan askar baraha koontaroolada ka gudbinayay maandooriyaha xashiishada ay gacanta ku soo dhigaan isla markaana xukun sharci ah ku ridday.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

 

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka dhacdooyinka maanta ee Radio Muqdisho

Next Post

Guddoomiye Ku Xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka oo dib ugu soo laabtay Muqdisho “VIDEO”

Next Post

Guddoomiye Ku Xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka oo dib ugu soo laabtay Muqdisho “VIDEO”

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In