Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku ridday dambiileyaal ka tirsan Al-shabaab

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku ridday dambiileyaal ka tirsan Al-shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cabbdulqaadir Suufi Muunye  & Saciid Cumar Cabbdullaahi  ayaa loo  heystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in ay ahaayeen u qaabilsanayaaal xagga maamulka iyo maaliyadda uga wakiil ah maleeshiyada Alshabaab Tuulada Mareerey oo hoos tagta degmada Afgooye ee gobalka Shabeellada Hoose.

Eedeysanaha koowaad ayaa ahaa  horjoogaha tuullada halka eedeysanaha labaad uu ahaa u qaabilsanaha xagga Uruurinta baadda ay ka qaataan dadka deegaanka.

Related posts

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026

Cabbdulqaadir oo magaciisa afgarashadu yahay Amiir Gaabbow ayaa laga soo qabtay  degmada Dharkeenley ee gobalka Banaadir  8-dii October sanadkii ina dhaaafay halka Saciid oo magiciisa afgarashadu yahay Macallim Saciid  laga soo qabtay  xaafadda Xamar Jadiid ee degmada Warta Nabadda 29-kii  September Sanadkii hore.

Xafiiska Xeer Ilaalinta  ayaa Shantii November codsaday in labada eedeysane loo dhaadhiciyo xabsiga dhexe gar-suge ahaan, waxa ayna markale baaritaan dheer kadib codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwadda 21-kii January ee sanadkan iyadoo Horaantii Febraayo ay Maxkamaddu u fariisatay dhageyisga dacwadda labada eedeysane.

Cabduqaadir iyo Saciid  ayaa ka sheegay fadhiga Maxkamadda in ay labadooda hoostegi jireen Dakhare oo isna  dhuumaaleysi ka ah gacmaha sharciga.

Ibraahim Aadan Dakhare ayaa ah horjoogaha tobanka tuullo  ee kala ah Yunbis, Buulle-kulan, Bangaleey, Baladul-Amiin, Moor-diinle, Sabiid, Mareerey, Gaalle-wer, Cumar-beerre iyo Sagaalaad, waxa ayna labada xukunsane ahaayeen kuwa ku xigeen iyo wakiil uga ah Tuullada Mareerey.

Maxkamadda ayaa wada tashi  dheer kadib go’aan ka soo saartay labada shaqsi ee kala ah Cabbdulqaadir Suufi Muunye  & Saciid Cumar Cabbdullaahi   waxa ayna ku wada xukuntay min 10-sano oo xabsi ciidan, sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare  Xasan Cali Nuur Shuute.

Dhanka kale Xasan Luqmaan Xuseen Ibraahim oo magacyadiisa afgarashadu yihiin Tabliiq iyo Luqmaan ayaa laga qabtay degmada Howlwadaag ee        gobalka Banaadir 28-kii  August sanadkii ina dhaafay.

 

Xasan waxaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in uu si gaar ah ugu  ahaa wakiil wareed  mid kamid ah warbaahinta ku hadasho Afka Alshabaab.

Xafiiska xeer  ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda Ciidamada weydiistay in eedeysanaha loo gudbiyo xabsiga dhexe gar-suge ahaan 10-kii December sanadkii tegay.

Baaris kale ayuu isku howlay xafiiaska  xeer ilaalinta Ciidamada oo leh awoodda horgeynta Maxkamadda eedeysanaha marka ay u arkaan in ay  jiraan eedo mudan in Maxkamad lala tiigsado eedeysanaha.

Maxkamadda ayaa 25-kii bishii ina dhaaftay ee sanadkan   ogolaatay soo jeedinta Xafiiska Xeer Ilaalinta ee aheyd dhageysiga eedda loo heysto Xasan  luqmaan.

Xasan oo fursad loo siiyay in uu ka hadlo fadhiga Maxkamadda ayaa sheegay in uu ka shaqeyn jiray kaliya ka war bixinta dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee suuqyada Muqdisho si gaar ah suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha.

Xafiiska ayaa sidoo kale la wadaagay garsoorayaasha Maxkamadda fariimo maqal iyo qoraal isugu jiro taasi oo muujineysa howshiisa wardoonimo oo uu shirkada kula ahaa kooxda Alshabaab.

Qareenka eedeysanaha ayaa Maxkamadda weydiistay in loo fududeeyo xukunka maadaama uu eedeysanaha kaliya ku sinaa sii deynta dhacda maalmeedka suuqa sida isagaba uu qirtay

Garsoorayaasha ayaa iyagane ugu dambeynta go’aan ka soo saaray waxaana lagu xukumay sideed sano oo xabsi ciidan ah, sida uu  la wadeegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare  Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanayaasha ayaa heysta fursad kale oo  ay ku  dalban karaan Rafcaan.

Edited:- Abdulkadir Isse

Previous Post

Madaxweynaha KG oo Baydhabo ka furay shir Ku saabsan horumarinta Xoolaha

Next Post

Foreign minster receives the new reperesentative of WHO to Somalia

Next Post
Foreign minster receives the new reperesentative of WHO to Somalia

Foreign minster receives the new reperesentative of WHO to Somalia

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caddaaladda oo war ka soo saartay hannaanka dib u eegista Dastuurka

January 27, 2026
0

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ka jawaabeysaa hadallo dhawaan ay jeediyeen qaar ka mid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In