Saturday, September 23, 2023
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun ku ridday koox Burcad ah

admin by admin
February 25, 2020
in Wararka
0
Maxkamadda Ciidamada oo Xukun ku ridday koox Burcad ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxakamadda Ciidamada Qalabka Sida oo u fariisatay Dacwad ciqaabeed Dhallinyaro loo heysto Burcadnimo hubeysan ayaa ku kala riday xukunno kala duwan.

Maxkamaddu waxay Cabdikaafi Cabdi Jaamac Warsame xukumay 8-sano oo xabsi ciidan ah, Maxkamadda  waxay kaloo ay ku xukuntay Cabbdirisaaq Maxamed Abshir Kheyre 5-sano oo xabsi ciidan ah, halka Maxamed Cabduqaadir  Maxamed Cumar ay Maxkamadu amartay in  la siiyo xurriyadiisa haddii uusan jirin dambi kale sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle  Sare xasan Cali Nuur  Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida.

Related posts

Maxkamada Ciidamada Puntland oo xukunno ku riday xubno ka tirsan Khawaarijta

Maxkamada Ciidamada Puntland oo xukunno ku riday xubno ka tirsan Khawaarijta

September 23, 2023
Himilooyinkii u hirgalay xukuumadda Dan-Qaran muddadii sanadka ahayd ee ay jirtay

Himilooyinkii u hirgalay xukuumadda Dan-Qaran muddadii sanadka ahayd ee ay jirtay

September 23, 2023

Cabdikaafi Cabdi Jaamac Warsame oo isku dayay in uu dilo Askariga maraya xaafadda  taleex ee degmada Hodan ayaa Maxkamadda u sheegay in  uu jiro shaqsi kale oo isna kamid ah kooxdan oo xilligaasi kula jiray howlaha Burcadnimada ah, waxa uu sheegay in uu ku hubeysnaa Bistoolad  sidoo kale hadda ka hor  saldhiga degmada Wadajir loogu xiray tuuganim.

Cabdirisaaq Maxamed Abshir Kheyre ayaa ahaa milkiilaha Mootada, waxa uuna u dhiibi jiray sida uu qirtay eedeysanaha labaad mana jirin wax kale oo xiriir ah oo ka dhexeeyay marka laga yimaado in ay is fahansayeen sida uu u sheegay Garsoorayaasha.

Dhallinyaradaani ayaa aheyd koox ka abaabulan Magaalada Muqdisho, dhacna ku geysata Bistoolado iyaga oo isticmaalaya Mooto Bajaaj, waxa ayna dilaan qofkii isku dhajiya agabka ay xilligaas ka dhacayaan side Teleefoonada, Lacag  iyo Kombiitarrada.

 

Previous Post

Madaxweyne Qoorqoor oo Casho sharaf u sameeyay Saraakiisha cusub ee Booliiska Galmudug

Next Post

Hay’adda Caafimaadka Adduunka oo Farriin Adag u Dirtay Dalalka Caalamka.

Next Post
Hay’adda Caafimaadka Adduunka oo Farriin Adag u Dirtay Dalalka Caalamka.

Hay'adda Caafimaadka Adduunka oo Farriin Adag u Dirtay Dalalka Caalamka.

Maxkamada Ciidamada Puntland oo xukunno ku riday xubno ka tirsan Khawaarijta

Maxkamada Ciidamada Puntland oo xukunno ku riday xubno ka tirsan Khawaarijta

September 23, 2023
0

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Dowlad goboleedka Puntland ayaa xukun ku riday Saddex xubnood oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta Daacish....

Himilooyinkii u hirgalay xukuumadda Dan-Qaran muddadii sanadka ahayd ee ay jirtay

Himilooyinkii u hirgalay xukuumadda Dan-Qaran muddadii sanadka ahayd ee ay jirtay

September 23, 2023
0

Xukuumadda Dan Qaran waxay ummadda Soomaaliyeed la wadaageysaa himilooyinkii u hirgalay muddada halka sanno ee ay jirtay, iyadoo ka duuleysa...

Ra”iisul wasaaraha XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Sanduuqa Lacagta Adduunka IMF

Ra”iisul wasaaraha XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Sanduuqa Lacagta Adduunka IMF

September 23, 2023
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan doceed kula yeeshay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada...

Kulan fogaan arag ah oo looga hadlay u diyaar garowga iyo ka jawaabidda khatar ka imaan karta El Niño

Kulan fogaan arag ah oo looga hadlay u diyaar garowga iyo ka jawaabidda khatar ka imaan karta El Niño

September 21, 2023
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa Maanta qabatay kulan degdeg ah oo fogaan arag ah, oo looga arinsanayay u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In