Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay Askari dilay wade gaari

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay Askari dilay wade gaari
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho- Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali   ayaa loo heystaa dilka Marxuum  Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud, dilkaasi oo ka dhacay degmada Mahadeey ee Gobalka Shabeelada Dhexe  26-11-2018.

Marxuum  Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud    ayaa aha wada gaari oo ku safrayay qeyba kamid ah gobalka Shabeelada dhexe, waxa uu caan ka ahaa deeganada gobalkaasi, marxuumka ayaa istaagsanaa halka loogu tala galay hubinte gaadiidka ee ah meesha laga soo galo degmada Mahadeey ee goalka Shabeelada Dhexe, ciidamada amniga ee ku sugnaa goobta ayaa hubinyay gaariga iyo laba qof oo kale oo la  socday balse nasiib xumo Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali    ayaa ka soo toogtay meel fogaan u jirto taasi oo sababtay geerida Marxuumka.

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

Isla maalintaas ayay ciidamada amniga ku soo wareejiyeen saldhiga Boliska Degmada Jowhar Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali   oo ah eedeysanaha dilka Marxuumka loo heysto.

Ciidamada amniga ayaa ku soo wareejiyay hey’adaha dambi baarista, waxa ay sidoo kale hey’adaha ku wareejiyeen Eedeysane Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali  xafiiska Xeer ilaalinta 22-12-aad ee sanadii tagtay, Xafiiska ayaa xilligaas codsaday in loo gudbiyo xabsiga dhexe Gar-suge ahaan.

Muddo kadib baaristooda ayay codsadeen in la muddeeyo dhageysiga eedda ka dhanka ah Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali 12-01-aad ee sanadkan, waxaana loo ballamay fadhiga hore ee maxkamadda 9-ka Bishii 2-aad ee sanadkan.

Garsoorayaasha ayaa  garowsaday in aysan ku filneyn dhageysiga dacwadda fadhi qura, waxa ayna xafiiska xeer ilaalinta amreen in la soo dhameystiro cadeymaha dambi ee loo heysto eedeysanaha.

Afar cisha kadib ayaa markale loo ballamay fadhiga Maxkamadda, waxa ayna xafiiska Xeer Ilaalinta soo bandhigeen , Qiraalka eedeysanah, Markaatiyaal gaariga la saarnaa marxuumka, Warqadda cadeynta dhimashada  oo ku lifaaqan sawirka Marxuuumka iyo qoreygii lagu toogtay Marxuum  Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud.

Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa ku dooday in eedeysanaha oo ku liif bartay Marxuumka maadaama aysan jirin sabab qasbeyso in uu toogto muwaadin marayay hubinta howlaha nabad-gelyada, waxa uuna weydiistay garsoorayaasha in lagu xukumo dil toogasha ah oo kaga filan abaalka ficilkii uu geystay eedeysanaha.

 

Dhanka kale Qareenada ayaa ku dooday  maadaamaa qiraal uu yahay  eedeysanaha  in loo fududeeyo  oo ay bixiyaan magta marxuumka.

Garsoorayaasha ayaa maalintaas soo xiray fadhiga Maxkaamdda, waxaana ku dhawaad bil kadib ay maanta go’aan kasoo saareen dhageysiga  dacwadda loo heystay, Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali, waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay dil-toogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud, sida uu u sheegay warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa heysta Fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qancin xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

 

 

Previous Post

Khudbadda Madaxweynaha ee Shir Madaxeedka Dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In