Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo u fariisatay Dacwad loo haysto raggii dilay Wasiir Cabaas Siraaji “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo u fariisatay Dacwad loo haysto raggii dilay Wasiir Cabaas Siraaji “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa markale u fariisatay kiiska dacwadii la xiriirtay Allaha Unaxariiste Marxuum Ex-Wasiir, Xildhibaan Cabaas Siraaji oo ay dilaan ilaalo la socday hanti dhowrihii guud ee Qaranka ee ay golaha Wasiirada xilka ka qaadeen dhacdadii dilka marxuumka kadib.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026

DABLE XOOGGA AXMED CABDULLAHI CABDI CEYDIID, SADAX ALIFLE CIIDANKA ASLUUBTA CUSMAAN SALAAD BARRE iyo waardiyihii Wasiirka DABLE XOOGGA BILA KHALIIF CALI ayaa maxkamadda la hor keenay, iyadoo sidoo kale maxkamadda la hor keenay saraakiil ka tirsan ilaalada madaxtooyada oo habeenkii dilka uu dhacayay ku jiray shaqada Qaranka , saraakiil booliis ah, gaar ahaan qeybta dambi baarista ee CID, kuwaasi oo ay garsoorka maxkamadda ciidamada qalbka sida wax ka weydiiyeen dhacdadii lagu dilay Allaha unaxariiste marxuum x Wasiir/xildhibaan CABAAS CABDULLAHI SH SIRAAJI.

Dood dheer iyo su’aala weydiin kadib ayaa garsoorka maxkamadda ciidamada qalabka sida waxa ay xeer ilaalinta ciidamada ka dalbadeen inay keenaan cadeymo dheeri ah, sidoo kale qaraanada difaacayay eedeysanyaasha loo heysto kiiska dilka ah ayaa iyagane codsaday in maxkamadda dib loogu dhigo.

ugu dambeyn gudoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay in maxkamadda xirantahay, isla markaana dib la isugu soo laaban doono marka ay keenaan xeer ilaalitana cadeymo ku filan kiiska loo heysto eedeysanayaasha maantay ka soo hor muuqday maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Maalmaha soo socdo ayaa la filayaa in go’aan kama dambeys ah ka soo saaraan garsoorka ciidamada qalbka sida dacwadda la xiriirta dilka Allaha Unaxariiste Marxuum x xildhibaan/ wasriir CABAAS CABDULLAHI SH SIRAAJI oo bishii may ee sanadkan u geeriyooday xabad ay ku rideen ilaalada hanti dhowrihii guud ee qaranka.

Previous Post

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo isku shaandheyn ku sameeyay Golahiisa Wasiirada

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Wadajir oo looga hadlay Xasilinta Dalka.

Next Post
Dhageyso Barnaamijka Wadajir oo looga hadlay Xasilinta Dalka.

Dhageyso Barnaamijka Wadajir oo looga hadlay Xasilinta Dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In