Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo u fariisatay Dacwad loo haysto raggii dilay Wasiir Cabaas Siraaji “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 5, 2017
in Wararka
0
Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo u fariisatay Dacwad loo haysto raggii dilay Wasiir Cabaas Siraaji “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa markale u fariisatay kiiska dacwadii la xiriirtay Allaha Unaxariiste Marxuum Ex-Wasiir, Xildhibaan Cabaas Siraaji oo ay dilaan ilaalo la socday hanti dhowrihii guud ee Qaranka ee ay golaha Wasiirada xilka ka qaadeen dhacdadii dilka marxuumka kadib.

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

DABLE XOOGGA AXMED CABDULLAHI CABDI CEYDIID, SADAX ALIFLE CIIDANKA ASLUUBTA CUSMAAN SALAAD BARRE iyo waardiyihii Wasiirka DABLE XOOGGA BILA KHALIIF CALI ayaa maxkamadda la hor keenay, iyadoo sidoo kale maxkamadda la hor keenay saraakiil ka tirsan ilaalada madaxtooyada oo habeenkii dilka uu dhacayay ku jiray shaqada Qaranka , saraakiil booliis ah, gaar ahaan qeybta dambi baarista ee CID, kuwaasi oo ay garsoorka maxkamadda ciidamada qalbka sida wax ka weydiiyeen dhacdadii lagu dilay Allaha unaxariiste marxuum x Wasiir/xildhibaan CABAAS CABDULLAHI SH SIRAAJI.

Dood dheer iyo su’aala weydiin kadib ayaa garsoorka maxkamadda ciidamada qalabka sida waxa ay xeer ilaalinta ciidamada ka dalbadeen inay keenaan cadeymo dheeri ah, sidoo kale qaraanada difaacayay eedeysanyaasha loo heysto kiiska dilka ah ayaa iyagane codsaday in maxkamadda dib loogu dhigo.

ugu dambeyn gudoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay in maxkamadda xirantahay, isla markaana dib la isugu soo laaban doono marka ay keenaan xeer ilaalitana cadeymo ku filan kiiska loo heysto eedeysanayaasha maantay ka soo hor muuqday maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Maalmaha soo socdo ayaa la filayaa in go’aan kama dambeys ah ka soo saaraan garsoorka ciidamada qalbka sida dacwadda la xiriirta dilka Allaha Unaxariiste Marxuum x xildhibaan/ wasriir CABAAS CABDULLAHI SH SIRAAJI oo bishii may ee sanadkan u geeriyooday xabad ay ku rideen ilaalada hanti dhowrihii guud ee qaranka.

Previous Post

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo isku shaandheyn ku sameeyay Golahiisa Wasiirada

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Wadajir oo looga hadlay Xasilinta Dalka.

Next Post
Dhageyso Barnaamijka Wadajir oo looga hadlay Xasilinta Dalka.

Dhageyso Barnaamijka Wadajir oo looga hadlay Xasilinta Dalka.

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In