Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhageyso: Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo Xafiis ka furanaysa Gaalkacyo

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka, Wareysiyada
0
Dhageyso: Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo Xafiis ka furanaysa Gaalkacyo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hugaaminayo taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed  oo ay wehliyeen, xildhibaanada labada  aqal ee laga soo doortay deeganadaasi, Saraakiil ka tirsan Wasaaradda gaashaandhigga iyo masuuliyiinta Maxkamadd Ciidamada Qalabka Sida  ee Soomaaliyeed  ayaa u joogo  Magaalada Gaalkacyo  dhameystirka dadaalka nabadeed ee dowladda dhexe ee Soomaaliya ka waddo magaaladaasi.

Ciidama ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka madax baxnaan  talisyada 21-aad iyo 54-aad ee ka howlgala Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa lagu wareejiyay amniga magaalada iyagoo wixii ay u baahdaan ee deeg ah eey ka heli doonaan dowladda dhexe ee Soomaaliya isla markaana eey hadda heleen gunnooyin  iyo agab ciidan oo ay dowladda dhexe ee Soomaaliya  ku wareejisay sida uu u sheegayWarbaahinta Qaranka G/sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah gudoomiyaha Maxkamadda D.1-aad ee Ciidmada Qalabka Sida.

Related posts

Wasiirka Waxbarashada XFS oo wadahadalo Caalami ah kaga qaybgalay magaalada Nairobi.

Wasiirka Waxbarashada XFS oo wadahadalo Caalami ah kaga qaybgalay magaalada Nairobi.

January 28, 2026
Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

January 28, 2026

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu u sheegay Qaranka in ay la kulmeen dhammaan qeybaha bulshada oo ay kala hadleen sidii si wada jir ah la isaga kaashan lahaa nabad gelyada.

Gaalkacyo waxaa ka jiray ciidama beeleedyo, maleeshiyaad aan ka amar qaadan labada maamul ee halkaas ka jiro,  ka ganacsiga maandooriyaha nuucyadiisa kala duwan oo laga keeno magaalada meel ka baxsan, waxaana arrimahaasi dhan oo is biirsaday ay sababeen isku dhacyada ciidamadaasi oo loo tiirin jiray qabiilada iyo maamulada halkaasi ka jiray balse taasi waa la sooafjaray oo cutubyadii ugu horreeyay ee Ciidama ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la geeyay Magaaalada.

Maxkamad Ciidan oo  heer dowladda dhexe ah kana madax banaan maamuladaasi ayaa laga hirgeliyay magaalada taasi oo la shaqeyn doonto ciidamada isku dhafka ah ee u madax banaan howlahooda waxa ayna maxkamaddaasi qaadi doonto dacwad kasta oo hubeysan oo lid ku ah amniga magaalada sida uu  u sheegay Warbaahinta Qaranka G/sare Xasan Cali Nuur Shuute gudoomiyaha Maxkamadda D.1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Gaalkacyo ayaa la filayaa in ay marti geliso wafdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya uu hugaaminayo oo socdaal loogu  magac daray socdaalka nabadda ku marayo deegaano badan oo ka tirsan goballada dhexe.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka G/sare Xasan Cali Nuur Shuute:

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2018/01/GSARE-XASAN-CALI-NUUR-SHUUTE-12-01-2018-2.mp3
Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso: Diyaar garoowga soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo oo ka socta Magaalada Gaalkacyo

Next Post
Maamulka Gaalkacyo ee Galmudug oo lagu wareejiyay gaari iska roge ah

Dhageyso: Diyaar garoowga soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo oo ka socta Magaalada Gaalkacyo

Wasiirka Waxbarashada XFS oo wadahadalo Caalami ah kaga qaybgalay magaalada Nairobi.

Wasiirka Waxbarashada XFS oo wadahadalo Caalami ah kaga qaybgalay magaalada Nairobi.

January 28, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa magaalada Nairobi, caasimadda dalka...

Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

January 28, 2026
0

Horjooge Cabdiraxmaan Talxo Shuuke, oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta, ayaa maanta isku dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug, gaar ahaan ururka Galayr...

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

January 28, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Xamse Aadan, ayaa sheegay in Soomaaliya ay hoggaaminayso dadaallada Golaha Ammaanka ee...

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

January 28, 2026
0

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii wada howlgal qorsheysan oo ka dhan ah maleeshiyaadka Khawaarijta, iyagoo ku baacsanaya dhulka howdka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In