Friday, October 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhageyso: Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo Xafiis ka furanaysa Gaalkacyo

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka, Wareysiyada
0
Dhageyso: Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo Xafiis ka furanaysa Gaalkacyo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hugaaminayo taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed  oo ay wehliyeen, xildhibaanada labada  aqal ee laga soo doortay deeganadaasi, Saraakiil ka tirsan Wasaaradda gaashaandhigga iyo masuuliyiinta Maxkamadd Ciidamada Qalabka Sida  ee Soomaaliyeed  ayaa u joogo  Magaalada Gaalkacyo  dhameystirka dadaalka nabadeed ee dowladda dhexe ee Soomaaliya ka waddo magaaladaasi.

Ciidama ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka madax baxnaan  talisyada 21-aad iyo 54-aad ee ka howlgala Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa lagu wareejiyay amniga magaalada iyagoo wixii ay u baahdaan ee deeg ah eey ka heli doonaan dowladda dhexe ee Soomaaliya isla markaana eey hadda heleen gunnooyin  iyo agab ciidan oo ay dowladda dhexe ee Soomaaliya  ku wareejisay sida uu u sheegayWarbaahinta Qaranka G/sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah gudoomiyaha Maxkamadda D.1-aad ee Ciidmada Qalabka Sida.

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu u sheegay Qaranka in ay la kulmeen dhammaan qeybaha bulshada oo ay kala hadleen sidii si wada jir ah la isaga kaashan lahaa nabad gelyada.

Gaalkacyo waxaa ka jiray ciidama beeleedyo, maleeshiyaad aan ka amar qaadan labada maamul ee halkaas ka jiro,  ka ganacsiga maandooriyaha nuucyadiisa kala duwan oo laga keeno magaalada meel ka baxsan, waxaana arrimahaasi dhan oo is biirsaday ay sababeen isku dhacyada ciidamadaasi oo loo tiirin jiray qabiilada iyo maamulada halkaasi ka jiray balse taasi waa la sooafjaray oo cutubyadii ugu horreeyay ee Ciidama ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la geeyay Magaaalada.

Maxkamad Ciidan oo  heer dowladda dhexe ah kana madax banaan maamuladaasi ayaa laga hirgeliyay magaalada taasi oo la shaqeyn doonto ciidamada isku dhafka ah ee u madax banaan howlahooda waxa ayna maxkamaddaasi qaadi doonto dacwad kasta oo hubeysan oo lid ku ah amniga magaalada sida uu  u sheegay Warbaahinta Qaranka G/sare Xasan Cali Nuur Shuute gudoomiyaha Maxkamadda D.1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Gaalkacyo ayaa la filayaa in ay marti geliso wafdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya uu hugaaminayo oo socdaal loogu  magac daray socdaalka nabadda ku marayo deegaano badan oo ka tirsan goballada dhexe.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka G/sare Xasan Cali Nuur Shuute:

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2018/01/GSARE-XASAN-CALI-NUUR-SHUUTE-12-01-2018-2.mp3
Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso: Diyaar garoowga soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo oo ka socta Magaalada Gaalkacyo

Next Post
Maamulka Gaalkacyo ee Galmudug oo lagu wareejiyay gaari iska roge ah

Dhageyso: Diyaar garoowga soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo oo ka socta Magaalada Gaalkacyo

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In