Tuesday, March 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo Xukun dil ah ku ridday xubin ka tirsan Daacish

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo Xukun dil ah ku ridday xubin ka tirsan Daacish
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamadda darajada 1aad ciidamada qalabka sida ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay danbiile Daacish Aadan Max’ed Cali kadib markii lagu helay falal dilal ah oo uu ka gaystay gobollada Bari iyo Banaadir.

Maxkamadda Ciidamada ayaa sidoo kale amar ku bixisay in xabsiga laga sii daayo C/Shakuur Xaaji Barsanji, kadib markii lagu waayay wax danbi ah

Related posts

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026

Eedaysanaha 1aad Aadan Max’ed Cali,waxaa si gaar ah loogu eedeeyay in uu ka tirsan yahay kooxda Daacish una qaabilsan yahay qaybta fulisa dilalka qorshaysan,isagoo kasoo howlgalay gobolada Banaadir Iyo Bari, qaybna ka ahaa fulinta dilalka soo socda:-

1-Taariikhdu markay ahayd 24/09/2018, waxay isaga iyo labo ruux oo kale Boosaaso waxay ku dileen MarxuumEx-L/x/le Axmed Hurfe Jaamac oo ahaa taliyahii gaadiidka madaxtooyada Puntland.

2-Taariikhdu markay ahayd 25/10/2018 ,waxay sidoo kale magaala Boosaaso ku dileen marxuum C/raxmaan Aadan Cali oo ahaa ganacsade sharaab ku iibin jiray magaalada Boosaaso.

3-Taariikhdu markay ahayd 19/01/2019 waxay isaga 2 ruuxoo kale degmada H/wadaag  ee magaalada Muqdisho  ku dileen labo marxuum oo lagu kala magacaabi jiray       (Axmed Shiikhaal)iyo Marxuum C/laahi Muxumed Cali (C/laahi dheere).

4-Taariikhdu markay ahayd 27/01/2019 waxay degmadaYaaqshiid ku dileen marxum Ex-D/le Axmed  Cabdi Xuseen, iyadoo ciidamada amnigu ay soo qabteen kadib markii uu dhaawac kasoo gaaray fulinta dilka marxuumka.

Eedaysnaha 2aadC/Shakuur Xaaji Barsanji oo horay loogu eedeeyay inuu ka tirsan yahay Kooxda Daacish isla markaana gacansiinayay danbiilaha koowaad ee dilka lagu xukumay, ayaa Maxkamadda darajada koowaad ee C.Q.S amartay in xabsiga laga sii daayo.

Previous Post

Dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka oo si dar-dar leh u socda (Warbixin)

Next Post

Wasiirka difaaca Soomaaliya oo ka hadlay Ciidanka lagu soo tababaray Turkiga

Next Post
Wasiirka difaaca Soomaaliya oo ka hadlay Ciidanka lagu soo tababaray Turkiga

Wasiirka difaaca Soomaaliya oo ka hadlay Ciidanka lagu soo tababaray Turkiga

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

Soomaaliya oo cambaareysay weerarrada argagixiso ee ka dhacay Gobolka Zamfara, Nigeria.

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo dib u bilaabeyso bixinta adeegyada baasaboorka 

March 10, 2026
0

Safiirka JF Soomaaliya ee dalka Yemen Danjire Cabdixakiim Maxamed Axmed oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In