Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa aroornimadii hore ee saakay xukun dil toogasho ah ku fulisay Afar askari oo ka tirsnaa ciidamadda dowladd Kuwaas oo horay loogu xukumay dil toogasho ah.
Askartaan xukunka fuliyay saakay ayaa kala ah: Bukhaari Cawil Maxamuud oo NISA ka tirsanaa, Cali Maxamuud Xuseen oo Military-ga ka tirsanaa, Cabdirisaaq Axmed Mukhtaar iyo Maxamed Nuur Sheekh Warre oo iyagana ka tirsanaa ciidanka Booliiska.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegtay in dhammaan raggan saakay la toogtay ay horay u dileen saaxiibadooda shaqo wadaagga ay ahaayeen.