Monday, February 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida oo Xukuntay Sarkaal dilay qof shacab ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida oo Xukuntay Sarkaal dilay qof shacab ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Laba xidigle Xoogga dalka  Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) ayaa loo  heysta in uu dil bareer ah u geystay Marxuum Dayax Iimaan Xasan  21-ka bishii sagaalaad 2018, dilkaasi oo ka dhacay aga-gaarka Seybiyaano  degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

 

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026

Ciidamada amniga ayaa soo qabtay Eedeysanaha, waxaana lagu  wareejiyay Hey’adaha Baarista.

Marxuum Dayax Iimaan Xasan ayaa ahaa wiil dhallinyara ah, waxa uu sidoo kale ahaa wade gaari raaxo isagoo sidoo kale soo dhameeyay heerka koowaad wax barashada ee jaamacadda Plasma.

Iyadoo jimco ay tahay xilliyadii salaadda kadib ayuu sababsaday qorey Dhasiika ah uu gacantiisa ku riday sida uu sheegtay Laba xidigle xoogga dalka  Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud).

Eeda Kumbud ayaa lagu soo wareejiyay xafiiska Xeer Ilaalinta Xilligaasi   waxa ayna  codsadeen Xafiiska in garsoorka ay ku hayaan xabsiga dhexe gar-suge ahaan.

Muddo baaristooda kadib  ayay codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Laba xidigle xoogga dalka  Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud), waxa  ayna Maxkamadda aqbashay in la muddeeyo 10-ka Bishii 12-aad ee sanadkii tegay.

Sedax Cishe kadib ayay bilaabatay Maxkamadeynta Kumbud, waxaana dhageysiga dacwadda  u dhammaa  dhinacyada dacwadda la isku ballamiyay in markale dib la isugu soo noqdo.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isla xilligaasi xooraansi dheeraad ah ugu jiray dhacdada sidii loogu dhameystiri lahaa dambi muujinada eedeysanaha, waxa ayna sidoo kale fadhigii  labaad la yimaadeen   oo aheyd laba todobaad kadib  cadeyma dheeri ah sida Sawirka Marxuumka, Warqadda Dhakhtarka  ku cadeeyay  dhimashada Marxuumka iyo markaatiyaal shan ah oo ay qaarkood wada saarnaayeen gaariga eedeysanaha la maxkamadeeyay ee Kumbud.

Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi oo ah ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Side ayaa fadhiga ka sheegay in eedeysanaha uu u adeegsaday  qori Dhashiika ah  meel ciriiri  badan ka jiro balse qoriga loogu tala galay furumaha dagaalka.

Laba xidigle xoogga dalka  Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) ayaa sheegay in u jeedkiisu ahaa sidii uu u furi lahaa waddada oo aheyd Beerta jaadka halka loo yaqaano xilligaasi oo ay saxmad ka jirtay balse lagu war geliyay in ay sabatay xabadii uu riday dhimashada Marxuum Dayax Iimaan Xasan.

Qareenada ayaa ku dooday in loo naxariisto sarkaalka loona fududeeyo  xukunka maadama uu goobta fal ka dhacay ay aheyd goob Saxmad ah.

Ugu dambeyn maanta ayaa go’aan laga gaaray, waxaana lagu xukumay eedeysane  Ex, Laba xidigle xoogga dalka  Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) dil toogasha ah oo ah  qisaastii Marxuum Dayax Iimaan Xasan, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute

Maxkamadda Ciidamada ayaa horay digniin uga dirtay in aan lagu xad gudbin muwaadiniinta isaga kala goosha magaalada, waxa ayna sheegtay in ciddii geysata dil ku tala gal ah aan looga waaban doonin sharciga.

Sarkaalka xukunsanaha ah  ayaa heysta fursad  kale  uu uga qaadan karo rafcaan Xukunka Maxkmadda Darajada koowaad.

Previous Post

Guddoomiyaha maxkamadda darajada 1aad ee CQS oo ka warbixiyay kiisaskii la qaaday sanadkii tegay

Next Post

Akhriso: Doorka Dowladda Federaalku ay ka qaadatay Nabadeynta Gaalkacyo “SAWIRRO”

Next Post
Akhriso: Doorka Dowladda Federaalku ay ka qaadatay Nabadeynta Gaalkacyo “SAWIRRO”

Akhriso: Doorka Dowladda Federaalku ay ka qaadatay Nabadeynta Gaalkacyo "SAWIRRO"

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka...

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha iyo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
0

Dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadi ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hore...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan xilalka Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed:...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In