Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda ciidmada qalabka sida oo xabsi daa’in ku xakuntay labo ka tirsanaa Al-Shabaab

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Maxkamadda ciidmada qalabka sida oo xabsi daa’in ku xakuntay labo ka tirsanaa Al-Shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cabdullaahi Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil oo caan kaga ahaa Al-Shabaab Maxamed Carab iyo Maxamed Xuseen Xasan Abuukar ayaa loo haystaa ka mid ahaanshiyaha maleeshiyada Al-Shabaab gaar ahaa in ay ka kala tirsanaayeen qaybaha Caafimaadka iyo Jabhadaha gobalka Mudug.

Bishii Maarso ee sanadkan ayay labada eedeysane ka soo qabteen ciidamada xoogga dalka deegaanka Bacaadweyn oo ka mid ah goobaha sida wayn loogu jabiyay maleeshiyada isku dayadii ay ku soo qaadeen dhowr jeer oo kala duwan.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026

Eedeysanayaasha oo lagu soo wareejiyay hey’adaha Dambi Baarista ayaa Gungaar kadib ku soo wareejiyay xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida billowgii April, xilligaasi oo ay xeer ilaalinta codsatay in loo gudbiyo eedeysanayaasha Xabsiga dhexe gar-suge ahaan.

Cabdullaahi Cabdiraxmaan oo magaciisu Afgarashadu yahay Maxamed Carab ayaa Al-Shabaab kaga biiray Xudur 2016, waxaa loo diyaariyay in uu Daweeyo dhaawacyada maleeshiyada, waxa uu ka shaqeeyay Ceel Caddow iyo Galhareeri oo ka kala tirsan Galgaduud iyo Shabeellada Hoose,

Isaga oo u safaryo sidii uu u dabiibi lahaa dhaawacyada maleeshiyada Al-Shabaab ka gaaray Bacaadweyne oo la geeyay xilligaasi Camaara ayay waddada isku heleen ciidanka xoogga  Soomaaliya is rasaaseyn kadib isaga ayaa la qabtay isaga oo dhaawac ah.

Maxamed Xasan Abuukar, waxa uu maleeshiyada Al-Shabaab kaga biiray Baay 2018, Hiiraan ayuu tababar ku qaatay, waxaana isla xilligaasi lagu wareejiyay Tuulada Caad oo Mudug ka tirsan si’uu uga mid noqday maleeshiya ku dhuumaaleysato halkaasi oo mararka qaar weerar qarsoodi ah u tegi jiray qaybaha kale ee Gobalka.

Dagaalkii ugu dambeeyay ee Bacaadweyne ka dhacay ayuu ku dhaawacmay, waxa ayna Ciidamada Xoogga Dalka ku soo wareejiyeen hey’adaha Baarista.

April bartamaheedii ayay codsadeen Xafiiska Xeer Ilaalinta in la muddeeyo dhageysiga Dacwadda, waxa ayna Maxkamadda aqbashay in loo fariisto Dacwadda ka dhanka ah labada eedeysane 19 April ee sanadkan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda ka codsaday labada eedeysane in loo ciqaabo dambiga ay galeen, Maadaama Ciidamada Amniga ay kala hor tageen hub wax dila balse ay Ciidamada doorteen in la mariyo nidaamka Cadaaladda.

Qareenada u dooday labada eedeysane ayaa Maxkamadda ka codsaday in loo naxariisto maadaama aysan ka dhalan khasaaro weeraradii ay qaybta ka ahaayeen, isla markaan ay iyaga dhaawacya ka soo gaareen.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo fadhiya kala duwan ka yeeshay kiiskan ayaa ugu dambeyn kuwada xukumay 1- Cabdullaahi Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil iyo 2- Maxamed Xuseen Xasan Abuukar Xabsi Daa’in sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanayaasha ayaa haysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaan muddo ku siman 30-cisho xukunka kadib.

Previous Post

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee arrimaha Doorashooyinka oo laga gaaray natiijo wanaagsan

Next Post

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Guddoomiyey kulan looga hadlay qorshe howleedka Wasaaradda “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Guddoomiyey kulan looga hadlay qorshe howleedka Wasaaradda “SAWIRRO”

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Guddoomiyey kulan looga hadlay qorshe howleedka Wasaaradda “SAWIRRO”

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo horey ugu dhuumaaleysanayeen...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
0

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka wada deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa maanta gudaha...

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

March 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa khudbad ka jeedisay shirka Haweenka Adduunka ee ka socda magaalada New...

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In