Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda Darajada 1-aad ee CQS oo Xukun Dil ah ku riday Eedeysanayaal loo heystay Weerarkii Hotel Naasa Hablood 2

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Maxkamadda Darajada 1-aad ee CQS oo Xukun Dil ah ku riday Eedeysanayaal loo heystay Weerarkii Hotel Naasa Hablood 2
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidmada Qalabka Sida ayaa ku dhawaaqday Xukunka Dacwad ciqaabeedkii loo heystay Eedeysanayaasha kala ah Farxaan Maxamed Samatar, Cabdi naasir Dhaqane Xasan iyo Abshir Maxamed Xaaji Buule, kuwaasoo Xafiiska Xeer ilaalinta CiidamadaΒ  Qalabka sida ku eedeysay Dambiyada kala ah inay ka mid ahaayeen Urur Hubeysan oo lid ku ah Awoodaha Qaranka (Qaran Dumis) iyo ay ka mid ahaayeen Koox weerar argagaxiso ku qaaday Hotel Naasa Hablood Labo taariikhda markey aheyd 28/10/2017, weerarkaas oo sababay Khasaaro nad iyo maal leh waxaana ku geeriyooday 18-ruux iyadoo ay ku dhaawacmeen 43 ruux kale.

Guddoomiyaha Maxakamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay go’aanka Maxakamadda.

MAXKAMADDU:

Markey Aragtay:- Qodobada 221, 222 XCS

Markey dhageysatay:- Maxkamada qiraalka eedaysanayaal 1: Farxaan Maxamed Samatar oo Magaciisa afgarashada ah loo yaqaan (Suheyb)

2: Cabdi naasir Dhaqane Xasan oo magaciisa afgarasgada loo yaqaan (C/xamiid Qoslaaye) iyo 3: Abshir Maxamed Xaaji Buule oo magaciisa afgarashada loo yaqaan (yaxye) ay ka horcadeeyeen Maxkamada horteeda in ay ka tirsan yihiin Kooxda Al shabaab isla markaana ay ka mid ahaayeen Koox weerar ku qaaday Hotel Naasa hablood Labo Taariikhda markey aheyd 28/10/2017, eedeysanayaasha waxay Maxkamada ka codsadeen in loo naxariisto.

Markey dhageysatay: Markhaatiyaasha la horkeenay Maxkamadda mid midna u weydiisay Marag furkooda waxay Maxkamadda ka hor sheegeen in ay ka mid ahaayeen ciidankii usoo gurmaday Hotel Naasa hablood Labo markii uu weerarka dhacay ka dibna sedexda eedaysane oo u adkeysan waayay dagaalka ay ciidanka amniga kula galeen gudaha Hotelka ay usoo baxeen banaanka iyagoo soo aaday dhanka ay maragu waardiyaha ka haayeen sidaasna ay ku dhex martay israsaaseyn sababtay dhaawaca mid ka mida Eedeysanayaasha halka labada kale ay ku carareen guri ka ag dhawaa goobta sidaasna ay kusoo qabteen sedexda eedeysane iyo hubkii ay ku dagaalamayeen oo isugu jiray AK47 iyo Bambooyin.

Sidaa darteed Maxkamadda waxaa u cadaatay in eedeysanayaal Farxaan Maxamed Samatar, Cabdi naasir Dhaqane Xasan iyo Abshir Maxamed Xaaji Buule ay wada yihiin dambiilayaal galay dambiyada lagu soo oogay.

Waxayna Maxkamadda ku xukuntay Dil Toogasho ah oo ah qisaasta dadkii ku geeriyooday weerarka ay ku qaadeen Hotel Naasa Hablood Labo

Cidii aan ku qanacsaneyn xukunka Maxkamada waxaa u furan Racfaan.

Previous Post

In kabadan 150 kamid ah Dhalinyaradii ku xirnayd xabsiyada Liibiya oo maanta Muqdisho la soo gaarsiyay+Sawirro

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In