Tuesday, May 24, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda Darajada 1-aad ee CQS oo Xukun Dil ah ku riday Eedeysanayaal loo heystay Weerarkii Hotel Naasa Hablood 2

May 30, 2018
in Wararka
0
Maxkamadda Darajada 1-aad ee CQS oo Xukun Dil ah ku riday Eedeysanayaal loo heystay Weerarkii Hotel Naasa Hablood 2
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Madaxweyne Xasan oo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

Madaxweyne Xasan oo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

May 23, 2022
Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Soomaaliya

May 23, 2022

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidmada Qalabka Sida ayaa ku dhawaaqday Xukunka Dacwad ciqaabeedkii loo heystay Eedeysanayaasha kala ah Farxaan Maxamed Samatar, Cabdi naasir Dhaqane Xasan iyo Abshir Maxamed Xaaji Buule, kuwaasoo Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada  Qalabka sida ku eedeysay Dambiyada kala ah inay ka mid ahaayeen Urur Hubeysan oo lid ku ah Awoodaha Qaranka (Qaran Dumis) iyo ay ka mid ahaayeen Koox weerar argagaxiso ku qaaday Hotel Naasa Hablood Labo taariikhda markey aheyd 28/10/2017, weerarkaas oo sababay Khasaaro nad iyo maal leh waxaana ku geeriyooday 18-ruux iyadoo ay ku dhaawacmeen 43 ruux kale.

Guddoomiyaha Maxakamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay go’aanka Maxakamadda.

MAXKAMADDU:

Markey Aragtay:- Qodobada 221, 222 XCS

Markey dhageysatay:- Maxkamada qiraalka eedaysanayaal 1: Farxaan Maxamed Samatar oo Magaciisa afgarashada ah loo yaqaan (Suheyb)

2: Cabdi naasir Dhaqane Xasan oo magaciisa afgarasgada loo yaqaan (C/xamiid Qoslaaye) iyo 3: Abshir Maxamed Xaaji Buule oo magaciisa afgarashada loo yaqaan (yaxye) ay ka horcadeeyeen Maxkamada horteeda in ay ka tirsan yihiin Kooxda Al shabaab isla markaana ay ka mid ahaayeen Koox weerar ku qaaday Hotel Naasa hablood Labo Taariikhda markey aheyd 28/10/2017, eedeysanayaasha waxay Maxkamada ka codsadeen in loo naxariisto.

Markey dhageysatay: Markhaatiyaasha la horkeenay Maxkamadda mid midna u weydiisay Marag furkooda waxay Maxkamadda ka hor sheegeen in ay ka mid ahaayeen ciidankii usoo gurmaday Hotel Naasa hablood Labo markii uu weerarka dhacay ka dibna sedexda eedaysane oo u adkeysan waayay dagaalka ay ciidanka amniga kula galeen gudaha Hotelka ay usoo baxeen banaanka iyagoo soo aaday dhanka ay maragu waardiyaha ka haayeen sidaasna ay ku dhex martay israsaaseyn sababtay dhaawaca mid ka mida Eedeysanayaasha halka labada kale ay ku carareen guri ka ag dhawaa goobta sidaasna ay kusoo qabteen sedexda eedeysane iyo hubkii ay ku dagaalamayeen oo isugu jiray AK47 iyo Bambooyin.

Sidaa darteed Maxkamadda waxaa u cadaatay in eedeysanayaal Farxaan Maxamed Samatar, Cabdi naasir Dhaqane Xasan iyo Abshir Maxamed Xaaji Buule ay wada yihiin dambiilayaal galay dambiyada lagu soo oogay.

Waxayna Maxkamadda ku xukuntay Dil Toogasho ah oo ah qisaasta dadkii ku geeriyooday weerarka ay ku qaadeen Hotel Naasa Hablood Labo

Cidii aan ku qanacsaneyn xukunka Maxkamada waxaa u furan Racfaan.

Previous Post

In kabadan 150 kamid ah Dhalinyaradii ku xirnayd xabsiyada Liibiya oo maanta Muqdisho la soo gaarsiyay+Sawirro

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya

Madaxweyne Xasan oo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

Madaxweyne Xasan oo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

May 23, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa digreeto uu soo saaray waxaa uu Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan...

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Soomaaliya

May 23, 2022
0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa caawa Xarunta KMG ah maamulkaas ee Kismaayo ku qaabilay madaxa Hay’ada...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeer ku tegay Deegaanka Ceelmacaan “SAWIRRO”

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeer ku tegay Deegaanka Ceelmacaan “SAWIRRO”

May 23, 2022
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kormeeray deegaanka Ceelmacaan ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa...

Ra’iisul Wasaare Rooble oo  ugu Warbixiyay safarkiisi Madaxweynaha

Ra’iisul Wasaare Rooble oo  ugu Warbixiyay safarkiisi Madaxweynaha

May 23, 2022
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqasho ugu tagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In