Saturday, March 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda Gobolka Baay oo dil toogasho ku xakuntay nin Hooyadii ku dilay Baydhabo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Maxkamadda Gobolka Baay oo dil toogasho ku xakuntay nin Hooyadii ku dilay Baydhabo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamadda gobolka Baay ayaa ku dhawaaqday dacwad ciqaabeed loo heystay eedeysane Mukhtaar Ibraahim Isxaaq oo Hooyadii Khayrto Shariif Xasan oo 70 jir ah dhawaan ku dilay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Kiiskan oo maxkamadda fadhi badan ka yeelatay ayaa kii maanta waxaa goob joog ka ahaa Ehelada Marxuumadda iyo sidoo kale eedeysanaha.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheikh oo xarig jaray waddada isku xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

Madaxweyne Xasan Sheikh oo xarig jaray waddada isku xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

March 28, 2026
Soomaaliya oo markii ugu horreysay ka qayb gashay Shir-sanadeedka Xuquuqda Aadanaha ee Dalladaha IGAD

Soomaaliya oo markii ugu horreysay ka qayb gashay Shir-sanadeedka Xuquuqda Aadanaha ee Dalladaha IGAD

March 28, 2026

Axmed Sheekh Nuur Saki Garsooraha Maxkamadda Gobolka Baay ahna guddoomiyaha kiiskan oo ku dhawaaqay xakunka ayaa sheegay in Mukhtaar ay ku cadaatay dambigii loo heystay ee ah dilka Hooyadii Kheyrto, isla markaana ay maxkamaddu heshay caddeymo iyo marqaatiyaal, isagoo intaa ku daray in Maxkamaddu ay Dambiile Mukhtaar Ibraahim Isxaaq ku xakuntay dil toogasho oo ah qisaasta marxuumad Khayrto.

“Eedeysane Mukhtaar Ibraahim Isxaaq ina Khayrto Shariif Xasan 36 jir ah ku dhashay degan Baydhabo, kaas oo xafiska xeer ilaalinta dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ku soo eedeeyeen dil bareer ah, kaasi oo uu gacantiisa ku dilay Marxuumad Khayrto Shariif Xasan oo ahayd Hooyadii isaga dhashay oo 70 jir ah. Maxkamaddu marka ay aragtay eeddii xafiiska xeer ilaalinta ku soo eedeysay, kaasi oo ah qodob 434, xeerka ciqaabta Soomaaliyeed. Maxkamaddu marka ay aragtay qiraalka eedeysanaha ka hor caddeeyay garsoorka hortiisa in uu gacantiisa ku dilay Marxuumad Khayrto Shariif Xasan. Maxkamaddu marka ay aragtay caddeymaha iyo marqaatiyaasha la horkeenay, mid midna ay u weydiisay marag furkooda, waxay maxkamadda ka hor caddeeyeen in eedeysane Mukhtaar Ibraahim Isxaaq iyo Hooyadiisa Khayrto Shariif Xasan uu muran dhex maray, isagoo dharbaaxo wajiga kaga dhuftay kadibna madaxa dhagax kaga dhuftay, isla bartaasna ay ku geeriyootay Marxuumadda. Maxkamaddu marka ay aragtay dokumintiga iyo qiraalka eedeysanaha laga qoray, sawirada iyo waraaqda caddeymaha dhimashada marxuumadda, markii ay dhageysatay dooddii u dhexeysay dhinacyada xeer ilaalinta iyo qareenka difaacayay eedeysanaha, sidaas daraadeed maxkamadda waxaa u caddaatay dambiile gacan ku dhiigle Mukhtaar Ibraahim Isxaaq uu yahay dambiile galay dambiga lagu soo oogay, waxayna Maxkamadda ku xakuntay dil toogasho ah” ayuu yiri Axmed Sheekh Nuur Garsooraha Maxkamadda Gobolka Baay.

Previous Post

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo u yeertay lix eedeysane oo loo heysto faafinta xogaha amniga Qaranka

Next Post

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo Safiirka Ruushka kala hadlay arrimo labada dal muhiimad u leh “SAWIRRO”

Next Post
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo Safiirka Ruushka kala hadlay arrimo labada dal muhiimad u leh “SAWIRRO”

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo Safiirka Ruushka kala hadlay arrimo labada dal muhiimad u leh "SAWIRRO"

Madaxweyne Xasan Sheikh oo xarig jaray waddada isku xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

Madaxweyne Xasan Sheikh oo xarig jaray waddada isku xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

March 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray, waddada laamiga ah...

Soomaaliya oo markii ugu horreysay ka qayb gashay Shir-sanadeedka Xuquuqda Aadanaha ee Dalladaha IGAD

Soomaaliya oo markii ugu horreysay ka qayb gashay Shir-sanadeedka Xuquuqda Aadanaha ee Dalladaha IGAD

March 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Bishoftu,Ethiopia):-Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka qayb gashay shir-sanadeedka Dalladda Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha ee waddamada urur gobolleedka IGAD oo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta xarigga ka jari doona waddada xiriirisa Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta xarigga ka jari doona waddada xiriirisa Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

March 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha JFS ayaa maanta xarigga ka jaraya wadada laamiga ah ee xiriirisa isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha, taas oo maamulka...

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo u soo gudbay wareegyada soo socda ee tartan-ciyaareedka Qaramada Africa-2027

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo u soo gudbay wareegyada soo socda ee tartan-ciyaareedka Qaramada Africa-2027

March 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Maputo):-Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta, ayaa galabta ciyaaray kulan muhiim ah oo qeyb ka ah isreeb-reebka hordhaca...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In