Wednesday, January 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda Gobolka Baay oo dil toogasho ku xakuntay nin Hooyadii ku dilay Baydhabo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Maxkamadda Gobolka Baay oo dil toogasho ku xakuntay nin Hooyadii ku dilay Baydhabo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamadda gobolka Baay ayaa ku dhawaaqday dacwad ciqaabeed loo heystay eedeysane Mukhtaar Ibraahim Isxaaq oo Hooyadii Khayrto Shariif Xasan oo 70 jir ah dhawaan ku dilay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Kiiskan oo maxkamadda fadhi badan ka yeelatay ayaa kii maanta waxaa goob joog ka ahaa Ehelada Marxuumadda iyo sidoo kale eedeysanaha.

Related posts

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay faragelinta Israa’11l.

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay faragelinta Israa’11l.

January 7, 2026
Bannaanbax ay Culimada Soomaaliyeed soo abaabuleen oo ka socda Muqdisho.

Bannaanbax ay Culimada Soomaaliyeed soo abaabuleen oo ka socda Muqdisho.

January 7, 2026

Axmed Sheekh Nuur Saki Garsooraha Maxkamadda Gobolka Baay ahna guddoomiyaha kiiskan oo ku dhawaaqay xakunka ayaa sheegay in Mukhtaar ay ku cadaatay dambigii loo heystay ee ah dilka Hooyadii Kheyrto, isla markaana ay maxkamaddu heshay caddeymo iyo marqaatiyaal, isagoo intaa ku daray in Maxkamaddu ay Dambiile Mukhtaar Ibraahim Isxaaq ku xakuntay dil toogasho oo ah qisaasta marxuumad Khayrto.

“Eedeysane Mukhtaar Ibraahim Isxaaq ina Khayrto Shariif Xasan 36 jir ah ku dhashay degan Baydhabo, kaas oo xafiska xeer ilaalinta dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ku soo eedeeyeen dil bareer ah, kaasi oo uu gacantiisa ku dilay Marxuumad Khayrto Shariif Xasan oo ahayd Hooyadii isaga dhashay oo 70 jir ah. Maxkamaddu marka ay aragtay eeddii xafiiska xeer ilaalinta ku soo eedeysay, kaasi oo ah qodob 434, xeerka ciqaabta Soomaaliyeed. Maxkamaddu marka ay aragtay qiraalka eedeysanaha ka hor caddeeyay garsoorka hortiisa in uu gacantiisa ku dilay Marxuumad Khayrto Shariif Xasan. Maxkamaddu marka ay aragtay caddeymaha iyo marqaatiyaasha la horkeenay, mid midna ay u weydiisay marag furkooda, waxay maxkamadda ka hor caddeeyeen in eedeysane Mukhtaar Ibraahim Isxaaq iyo Hooyadiisa Khayrto Shariif Xasan uu muran dhex maray, isagoo dharbaaxo wajiga kaga dhuftay kadibna madaxa dhagax kaga dhuftay, isla bartaasna ay ku geeriyootay Marxuumadda. Maxkamaddu marka ay aragtay dokumintiga iyo qiraalka eedeysanaha laga qoray, sawirada iyo waraaqda caddeymaha dhimashada marxuumadda, markii ay dhageysatay dooddii u dhexeysay dhinacyada xeer ilaalinta iyo qareenka difaacayay eedeysanaha, sidaas daraadeed maxkamadda waxaa u caddaatay dambiile gacan ku dhiigle Mukhtaar Ibraahim Isxaaq uu yahay dambiile galay dambiga lagu soo oogay, waxayna Maxkamadda ku xakuntay dil toogasho ah” ayuu yiri Axmed Sheekh Nuur Garsooraha Maxkamadda Gobolka Baay.

 

Previous Post

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo u yeertay lix eedeysane oo loo heysto faafinta xogaha amniga Qaranka

Next Post

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo Safiirka Ruushka kala hadlay arrimo labada dal muhiimad u leh “SAWIRRO”

Next Post
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo Safiirka Ruushka kala hadlay arrimo labada dal muhiimad u leh “SAWIRRO”

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo Safiirka Ruushka kala hadlay arrimo labada dal muhiimad u leh "SAWIRRO"

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay faragelinta Israa’11l.

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay faragelinta Israa’11l.

January 7, 2026
0

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Suufo Yare, ayaa sheegay in culimada Soomaaliyeed maanta sameynayaan bannaanbax iskugu jira socod dheer...

Bannaanbax ay Culimada Soomaaliyeed soo abaabuleen oo ka socda Muqdisho.

Bannaanbax ay Culimada Soomaaliyeed soo abaabuleen oo ka socda Muqdisho.

January 7, 2026
0

Magaalada Muqdisho waxaa saaka ka billowday bannaanbax ballaaran oo ay ka qeybgalayaan boqolaal qof oo ka kala yimid qeybaha bulshada,...

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
0

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu Bulshada Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in maanta oo ay Taariikhdu tahay 06-01-2026 Abaaro 10:55am Subaxnimo Xaafad...

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa booqasho shaqo ku tagay Degaanka Gandarshe oo Khawaarijta dhibaato weyn...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In