Howlgalkan ay ka sameeyeen ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo kaashanaya maamulka degmada Xamar Jajab ayaa waxa ay ku soo qab qabteen in ka badanΒ 30 Β qof oo isugu jiraΒ rag iyo haween kuwaasiΒ isticmaalayay maandooriyaha sida xashiishka,Β khamriga Β iyo qalabkii lagu karinayay maandooriyaasha.
Intaas kadib dadka lagu soo eedeeyay inay lagu soo qabtay waxyaabaha maanka dooriya ayaa la hogeeyay maxkamadaΒ gobolkaΒ banaadir oo u fadhiisatayΒ dacwacwad ciqaabeedkiiΒ loo haystayΒ eedeysanayaasha, taasi oo maxkamaddaΒ gobolkaΒ banaadir ay ku sii deysayΒ 4 qof oo ka mid ahaaΒ eedeysanayaashaΒ kaddib markiiΒ lagu waayay eedeymihii loo haystay,Β waxeyna maxkamaddaΒ gobolka banaadir markii Β ay dhageysatay marqaatiyaashii ay Β ku xakuntay 27 qofΒ min lix bilood Β Β oo xabsi ah
Taliyaha saldhigaΒ booliska Afar IrdoodΒ ee Degmada Xamar weyne Gaashaanle dhexe Cabdiqaadir Axmed Shire Matooto ayaa sheegay in howlgalka ay ka sameeyen qeybo ka mid ah degmada Xamar Jajab lagu guuleystay, fursadna loo helay in maxkamadda lala tiigsado.
“Howl galkan waxaa ka howl galay ciidanka booliiska Soomaaliyeed, saldhiga XamarΒ Jajab iyo saldhiga booliskaΒ degmadaΒ Xamar weyne runtii, wuxuuna u dhacay sida loogu tala galay, waxaana lagu soo qabtay dadkii isticmaalayay maandooriyahaΒ iyoΒ qalabkii laguΒ karinayay” ayuu yiri taliyaha Saldhigga booliska Afar Irdoodka.
GudoomiyahaΒ Degmada Xamar JajabΒ Axmed Cisman DhooroΒ oo ka hadlay goobta ayaaΒ tilmaamay in howlgalka uu mira dhalay, laguna guuleystay in lagu soo qabtay 31 qof oo ku howlanaa waxyaabaha maanka dooriya.
Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka banaadir XaashiΒ Cilmi NuurΒ ayaa sheegay in 27 ka mid dadka lagu xakumay min lix bil oo xarig ah, halka uu ku dhawaaqay in maxkamadda ay sii deysay afar qof, taasi oo wadarta guud ka dhigeysa 31 qof.
“Maxakamadda wareegtaΒ waxeyΒ u fadhiisatay dacwad ciqaabeedkii loo haystay dad laguΒ soo qab qabtayΒ howlgal ay sameeyeen ciidanka booliska,Β kuwaasi oo lagu soo eedeeyay in ay isticmaalayeenΒ waxyaabaha maanka dooriya iyo bistolad, waxayna maxkamaddaΒ ku xakuntay 27 qofΒ minΒ lix bilΒ oo xabsi ah”ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir.
Sawir Qaade:- Muuse Cismaan AbtowΒ

































