Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Maxkamadda gobolka Banaadir oo xukun ku diray dad lagu soo qabtay maandooriye “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Keyd Hore, Wararka
0
Maxkamadda gobolka Banaadir oo xukun ku diray dad lagu soo qabtay maandooriye “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Howlgalkan ay ka sameeyeen ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo kaashanaya maamulka degmada Xamar Jajab ayaa waxa ay ku soo qab qabteen in ka badan  30  qof oo isugu jira  rag iyo haween kuwaasi  isticmaalayay maandooriyaha sida xashiishka,  khamriga  iyo qalabkii lagu karinayay maandooriyaasha.

Intaas kadib dadka lagu soo eedeeyay inay lagu soo qabtay waxyaabaha maanka dooriya ayaa la hogeeyay maxkamada  gobolka  banaadir oo u fadhiisatay  dacwacwad ciqaabeedkii  loo haystay  eedeysanayaasha, taasi oo maxkamadda  gobolka  banaadir ay ku sii deysay  4 qof oo ka mid ahaa  eedeysanayaasha  kaddib markii  lagu waayay eedeymihii loo haystay,  waxeyna maxkamadda  gobolka banaadir markii  ay dhageysatay marqaatiyaashii ay  ku xakuntay 27 qof  min lix bilood   oo xabsi ah

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceedyo la yeeshay dhiggiisa dalalka Suudaan iyo Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceedyo la yeeshay dhiggiisa dalalka Suudaan iyo Kuweyt

January 11, 2026
Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

January 11, 2026

Taliyaha saldhiga  booliska Afar Irdood  ee Degmada Xamar weyne Gaashaanle dhexe Cabdiqaadir Axmed Shire Matooto ayaa sheegay in howlgalka ay ka sameeyen qeybo ka mid ah degmada Xamar Jajab lagu guuleystay, fursadna loo helay in maxkamadda lala tiigsado.

“Howl galkan waxaa ka howl galay ciidanka booliiska Soomaaliyeed, saldhiga Xamar  Jajab iyo saldhiga booliska  degmada  Xamar weyne runtii, wuxuuna u dhacay sida loogu tala galay, waxaana lagu soo qabtay dadkii isticmaalayay maandooriyaha  iyo  qalabkii lagu  karinayay” ayuu yiri taliyaha Saldhigga booliska Afar Irdoodka.

Gudoomiyaha  Degmada Xamar Jajab  Axmed Cisman Dhooro  oo ka hadlay goobta ayaa  tilmaamay in howlgalka uu mira dhalay, laguna guuleystay in lagu soo qabtay 31 qof oo ku howlanaa waxyaabaha maanka dooriya.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka banaadir Xaashi  Cilmi Nuur  ayaa sheegay in 27 ka mid dadka lagu xakumay min lix bil oo xarig ah, halka uu ku dhawaaqay in maxkamadda ay sii deysay afar qof, taasi oo wadarta guud ka dhigeysa 31 qof.

“Maxakamadda wareegta  waxey  u fadhiisatay dacwad ciqaabeedkii loo haystay dad lagu  soo qab qabtay  howlgal ay sameeyeen ciidanka booliska,  kuwaasi oo lagu soo eedeeyay in ay isticmaalayeen  waxyaabaha maanka dooriya iyo bistolad, waxayna maxkamadda  ku xakuntay 27 qof  min  lix bil oo xabsi ah”ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir.

 

DSCN5794 DSCN5874 DSCN5879 vlcsnap-2016-07-31-15h27m18s116 vlcsnap-2016-07-31-15h27m50s185 vlcsnap-2016-07-31-15h28m13s163 vlcsnap-2016-07-31-15h28m38s161 vlcsnap-2016-07-31-15h30m22s159 vlcsnap-2016-07-31-15h30m40s103 vlcsnap-2016-07-31-15h32m18s54 vlcsnap-2016-07-31-15h35m20s80 vlcsnap-2016-07-31-15h36m08s47 vlcsnap-2016-07-31-15h36m28s228 vlcsnap-2016-07-31-15h38m02s115 vlcsnap-2016-07-31-15h39m01s211 vlcsnap-2016-07-31-15h39m38s78 vlcsnap-2016-07-31-15h40m11s185 vlcsnap-2016-07-31-15h46m23s17 vlcsnap-2016-07-31-15h46m51s78 vlcsnap-2016-07-31-15h49m22s61 vlcsnap-2016-07-31-16h05m58s203

Sawir Qaade:- Muuse Cismaan Abtow 

Previous Post

Daawo Sawirrada: sida diirran ee ciyaaryahannada Puntland loogu soo dhaweeyay Garowe

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Barnamijka Dhacdooyinka Maanta Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceedyo la yeeshay dhiggiisa dalalka Suudaan iyo Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceedyo la yeeshay dhiggiisa dalalka Suudaan iyo Kuweyt

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JEDDAH):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xalay fiidkii magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhigiisa...

Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Bannaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Haweenka Soomaaliyeed ayaa maanta ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, kaas...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhigiisa Marwo Dr....

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JEDDAH):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa caawa fiidkii magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhiggiisa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In