Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Axad ah bilaabeysa dhageysiga dacwad loo heysto Sayid-Cali Macalin Daa’uud oo Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ku xukuntay dil toogasho ah, kadib markii lagu helay kiis ah inuu gubay xaaskiisii marxuumada Luul Cabdicasiis.
Warqad ka soo baxday maxkamadda racfaanka gobolka ayaa Taliyaha booliska degmada Xamarweyne lagu faray in Maanta uu horgeeyo Sayid Cali Maxkamadda si loo dhageysto dacwada kiiska dilka ah ee loo heysto.
Maxkamadda ayaa furmi doonta 9:00AM, waxaana sidoo kale taliyaha booliska degmada Xamarweyne laga dalbaday in maxkamadeynta kadib uu Sayidcali ku celiyo Xabsiga Dhexe ee Xamar.dhinacayda dacwada ayaa la ogeysiiya in ay kasoo qeybgalaan dhageysiga dacwada.
Sayid Cali Macalin Daa”uud ayaa horay Degamada dharkenley ku gubay. Xaskiisii Allah unaxariista Luul Cabdicasiis,oo ugu dambeyn u geeriyootay dhawaca kasoo gaaray dabkaas,waxan bishii hore xukun dil ah ku riday Maxkamada gobolka Banaadir oo ah qisaasta marxuumada,balsa qareennada ay racfaan ka qateen.