Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir, ayaa maanta soo gaba-gabeysay dhageysiga dacwada loo heesto 36 ruux oo ku eedeysan kalluumeysi sharci darro ah oo ay ka sameeyeen xeebaha Soomaaliya.
Eedeysanayaashaan oo hore ay xukunka ugu soo riday Maxkamadda gobolka Banaadir, ayaa racfaan kasoo qaatay maadaama qareenadooda ay sheegeen in aysan ku qancin.
Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka,ayaa fadhiga maanta kusoo bandhigay qalabka lagula socdo dhaqdhaaqa maraakiibta, oo sheegayay xilliyada doomahaan ay soo galeen aagga dhaqaalaha gaarka ah.
Guddoomiyaha Maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir Garyaqaan Saciid Cali Maxamed,ayaa soo gaba-gabeeyay fadhiga maanta waxuuna sheegay in Maxkamadda ay go’aan kasoo saari doonto